4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
PROF. CABDI ISMAACIIL SAMATAR: “Kenya markii ay doonto waa Amisom, markii ay doontana dibadda ayay ka tahay”



Jimco, August 23, 2013(HOL)—Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka sanadlaha ah ee Lund, kaasi oo sanad kasta loo qabto dalalka Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan gobolka, si gaar ahna wuxuu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorka ay dalalka la deriska ah ku leeyihiin xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

 

Prof. Samatar wuxuu sheegay in Dowladda Kenya ay dhowr sano ka hor gudaha Soomaaliya gashay iyadoo sida uu u yiri ku andacooneysa in ay la-dagaallameyso Al-Shabaab oo  ay u aragtay in uu khatar ku yahay ammaankeeda, laakin sheekadu ay ka duwan tahay sidaas ay Kenya dooneyso in ay isku ballaariso Soomaaliya, gaar ahaan ay ku darsato qeyb ka mid ah Xeebta Soomaaliya, gaar ahaan qeybta ku taalla xadka labada dal.

 

“Kenya iyadoo aanan ka mid ahayn Amisom ayay gudaha Soomaaliya gashay, waxaana Amisom lagu daray iyadoo si sharci darro ah ku gashay gudaha Soomaaliya, waana ayaan-darro dhacday runtii. Sidoo kale waxaad la socotaa shirkii Kampala ka dhacay ee ay lahaayeen dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya gunaanadkiisii laga soo saaray war-murtiyeed sheegayay in Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, maalmo kaddibna waxaad  socotaan hadalkii ay sii deysay Raychelle Omamo, Wasiiradda Gaashaandhigga Kenya ee ahaa in aysan arrintaas dhaceynin”ayuu yiri Prof. Samatar oo hadalkiisa ku sii daray “Kenya markii ay doonto waa Amisom markii ay doontana dibadda ayay ka tahay”.

 

Sababta ay Kenya ugu hammineyso inay qaadato dhul badeedka ay Soomaaliya leedahay ayaa waxaa u saamaxaya iyadoo aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhici karta in ay arrimahaas ka hadasho, isla markaana ay ka hortagto gacan-togaaleysiga Kenya.

 

Shucuubta dalalka  la deriska ah Soomaaliya, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya  ayuu sheegay in aysan jirin colaad ay u qabaan Soomaaliya iyo dadka ku nool, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in halka dhibaatada ka socoto ay yihiin maamullada dowladahaas hor-booda.

 

Dhanka kalena, wuxuu soo hadal qaaday in shirkado ajnabi ah ay xaalufin ba’an ku hayaan kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya, iyagoo lagu marmarsiyoonayo in ay xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin dhalinyaro burcad badeed ah.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]