4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 23, 2013
Ciidamada AMISOM oo sheegay inay fashiliyeen Weerarro ay Al-shabaab ku qaadday saldhig ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo


Jimco, August 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay fashiliyeen weerarro is-xigay oo ay Al-shabaab kusoo qaaday saldhig ay ku leeyihiin magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarradu ay dhaceen habeenkii ay Arbacadu soo galaysay iyo aroornimadii Arbacada, ayna ciidamadeedu ku guuleysteen inay farshiliyaan weerarradaas.

“Saacadihii hore ee Arbacadii Al-shabaab waxay soo qaadday weerar rogaal celin ah, balse waxaa dagaalkaas looga gubay gaari oo nooca dagaalka ah, khasaare nafeedna waa loo geystay,” ayaa war-saxaafadeedka lagu yir.

Al-shabaab waxaa magaalada Kismaayo laga saaray bihsii Oktoobar ee sannadkii 2012, iyadoo dhowr jeer oo hore ay weerarro kusoo qaaday, balse waxaa ka hortegey sida warka lagu sheegay ciidamada AMISOM ee aaggaas ku sugan.

Afhayeenka Al-shabaab oo ka hadlay weerarka ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo saldhig u ah ciidamada AMISOM, ayaa sheegay inay askar badan weerarkaas kaga dileen AMISOM, iyagana uu hal askari ka geeriyoodey.

Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhowaan ku dagaallamay dhinacyo isku haya hoggaanka magaaladaas oo ah mid istraatiiji ah, islamarkaana leh ilo dhaqaale oo badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ku eedeysey inay ka qayb qaateen dagaalladii Kismaayo ka dhacay, iyadoo dalbatay in la bedelo, inkastoo aan weli wax war ah oo arrintaan ku saabsani uusan kasoo bixin ururka Midowga Afrika.

Kenya ayaa kumannaan ciidamadeeda ah usoo dirtay gudaha Soomaaliya sannadkii 2011, iyadoo xilligaas ku andacoonaysay inay la dagaalamayaan xoogagga Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro oo xuduud-ka-tallow ah. Balse waxay ugu dambeyn ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya