4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Xukuumadda Somalia oo Golaha Ammaanka ka codsatay in xayiraada laga qaado Ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Golaha wasiiradda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay maanta Muqdisho ayaa waxay hadleen qodobbo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii shalay lagu dhaawacay haweeney dalka Sweden u dhalatay iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Qaramada midoobay oo la xariira in xorriyadiisa dhaqdhaqaaq loosoo celiyo ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Shirkan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha & amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxo shalay fal toogasho ah u geystay gabar u dhalatay dalka Sweden iyo labo muwaadin Soomaaliyeed gacanta lagu soo dhigay welina ay ku daba jiraan kuwo kale oo ka tirsan abaabulayaashii falkan.

“Runtii waxay ahayd nasiib-darro weyn in qof dalka u yimid inuu ka qayb-qaato horumarinta shacabka la dhibaateeyo, waxaana wadnaa baaris adag oo la xariira cidda falkaasi ka dambeysay si tallaabo adag looga qaado,” ayuu ku yiri wasiirku warbixintiisa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu dhegeystay warbixin la xariirta qorshaha booliiska Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota ah 2013-2017, waxaana qorshahan oo aad u ballaaran soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana qorshahan ku jira in la horumariyo tayada, tirada iyo tababarrada ciidamada boliiska Soomaaliyeed, si ay u fududaato sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo wabaahinta la hadlay markii kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay aad u dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baaraan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso. Taasoo sababtay in golaha ammaanku ay ku saaraan xayiraan dhinaca dhaqdhaqaaqa ah.

Guddigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka dowladda Soomaaliya, khabiiro amni iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ayaa in muddo ah waday baarista xogta la xariirta eedaha loo jeediyay ganacsadahan. Isagoo tilmaamay in howlwadeenada baarayay eedahan ay la xariireen dhammaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah. Sidoo kalena ay wareysteen qaybaha bulshada, gaar ahaan culummada, odayaal, ganacsato iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Wasiirka warfaafinta ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha wasiirrada dood dheer kaddib ay go’aamiyeen in ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale laga qaado xayiraadda loona soo celiyo xorriyaddiisa shaqsiyadeed.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tix-geliso go’aankan,” ayuu yiri wasiirku yiri, isagoo xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna xusay in go’aankan uu qayb ka yahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dowladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya