4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Iskahorimaad ciidamada Amniga Kenya iyo Kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaan ku yaalla gudaha dalka Kenya

Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Iska-hor-imaad khasaare dhaliyay ayaa ka dhacay deegaan ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya kuna yaalla gudaha Kenya, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkaas ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay kaddib markii ciidamada Kenya ay howgallo ka wadeen deegaannada ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, ayna la kulmeen kooxaha hubeysan ee ay dagaalameen.

“Dagaalka waxaa khasaare loogu geystay maleeshiyadii hubeysnayd, mana la sheegin karo khasaaraha dhacay inta uu le’eg yahay, waayo ciidamadii Kenya weli howlgalka ayay ku maqan yihiin,” ayuu yiri Haaruun Rashiid.

Sidoo kale, Rashiid wuxuu sheegay in kooxaha hubeysan ay doonayeen inay gudaha u soo galaan Kenya si ay weerarro uga geystaan, balse ay ka hortageen ciidamada amniga oo fariimmo helay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka tirsan yihiin kooxaha ciidamada Kenya kula dagalaamay gudaha Kenya, balse saraakiisha Kenya ayaa waxay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Dhowr casho kahor ayay ahayd markii weerar ay Al-shabaab ku qaadday deegaanka Galmagala oo ku dhow xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ay ku dileen afar sarkaal oo ka tisran booliiska Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna sidoo kale sheegeen inay kusoo furteen rasaas fara badan iyo qalabka isgaarsiinta, balse kama aysan hadlin sababta keentay inay deegaankaas weeraraan.

Kenya ayaa waxay la kulmaysay weerarro kaga imaanaya Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya tan iyo markiii ay ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM u dirtay gudaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya