4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Iska-horimaad ay dhimasho & dhaawac kasoo gaartay in ka badan toban qof oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Sool

Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaan lagu magcaabo God-heeli oo ka tirsan degmada Caynabo ee gobolka Sool oo 110-km ku dhawaad ka xigta dhinaca Waqooyi magaalada Laascaanood, kaddib markii dagaal ku dhex-maray laba beelood oo halkaasi wada-dega.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in saaka uu nin ku dhintay muran ka dhashay goob xoolaha dulinka (cayayaanka) looga daweeyo, halka qof dumar ahina ay ku dhaawacantay.

Jaamac Xasan oo ka mid ah dadka ku nool deegaan ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii dambe uu halkaas ka qarxay dagaal soo gaarey ilaa gelinkii dambe ee maanta.

Ciidammo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa goobtaasi gaarey iyadoo ay jiraan ciidan urursi u dhexeeya labada beelood ee dagaalku u dhexeeyo, waxaana jirta cabsi ku aaddan in berito uu dagaalku halkiisa kasii socdo.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay dagaalkaas oo ka mid ah odayaasha labada beelood iyo dhinaca maamulka, waxaase dadka deegaankaasi walaac weyn ka muujinayaan in khasaaruhu intaasi ka badan yahay, maadaama aanay suurogal ahayn in la ogaado, isgaarsiinta oo aan deegaankaas ka shaqeyn aawadeed.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool