4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
SHEEKH FU’AAD SHANGOLE: “ Waxaan joojinnay garaacii aan dadka garaaci jirnay, waxaan bilownay inaan diinta barno”

Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Sheekh Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa sheegay inay go’aansadeen joojinta garaacii ay dadka garaaci jireen ayna bilaabeen inay dadka baraan diinta Islaamka.

Fu’aad Shangole ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu gobolka Shabeellada Hoose kula qaatay waxgrad kasoo jeeda deegaannada gobolkaas, isagoo xusay in go’aankoodu uu yahay in ay dagaalka ballaariyaan.

“Annagu waxaan go’aansannay inaan joojinno garaacii aan dadka ku garaaci jirnay diinta, waxaana taas ku bedelany inaan diinta barno, iyaga ayaana naga hormari doona markii ay dhadhamiyaan macaanka diinta,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shangole.

Sidoo kale, wadaadkan ayaa  ku boorriyey odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay inay kala qaybqaataan dagaalka ay ku jiraan iyo xaqiijinta hadafkooda oo sida uu sheegay ah in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay meel walba gaarsiiyaan.

“Waxaan ka mid ahay anigan maskiinka ah dadka uu raadinayo Mareykanka oo i dul-dhigay Shan milyan oo Doollar. Aniga waxaan soo qabashada Obama ku xiray 10 geel ah,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shangole.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in la arki doono iyadoo calanka Islaamku uu ka taagan yahay dalka Mareykanka, isagoo tilmaamay in hadafkooda ay arintaasi qayb weyn ka tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya