4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 20, 2013
Dowladda KMG-ka ah ee Masar ee uu Milaterigu Taageero oo Sheegtay inay xirtay Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin


Talaado, August 20, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Masar ayaa sheegay in hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiiin, Maxamed Badiic la xiray maanta oo Salaaso ah, kaddib isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.

Wasiirka ayaa sheegay in Badiic uu ka mid ahaa boqolaal dibadbaxayaal ah oo lagu qabtay meel ku dhow fagaaraha Rabiic Al-Cawadiyah, halkaasoo ay ku dhinteen 900 qof oo ay ku jiraan 100 ka tirsan ciidamada booliiska dalka Masar intii ay rabshaduhu ka socdeen magaalada Qaahira.

Hoggaamiyahan oo 70-jir ah ayaa waxaa xarigiisa soo dhaweeyay qaar ka mid ah taageerayaasha xukuumadda uu milaterigu taageerayo, iyagoo ku tilmaamay mid habacsanaan ku keeni karta dibadbaxyada ay dhigayaan taageeraya madaxweynihii talada laga tuuray.

“Guddoomiyaha Ikhwaanul Muslimiin wuxuu ka mid noqday malaayiin qof oo kasoo horjeestay afgambiga dhacay,” ayuu yiri Axmed Cariif oo ka mid ah saraakiisha Ikhwaanul Muslimiin.

Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegaya in 37 ruux oo maxaabiis ahaa ay ku dhinteen xabsiyada Qaahira. Iyadoo kooxo hubeysan ay sidoo kale ku dileen magaalada Siinaay 25 askari oo ka tirsan ciidamada amniga Masar.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar ayaa ku eedeeyay dilka ciidamadaas kooxo argagaxiso ah, isagoo xusay in dalkiisu uu xiray xadka ay la wadaagto Marinka Gaza ee dhulka Falastiin.

Ilo wareedyo ammaan ayaa sheegaya in askari kale oo booliis ah lagu dilay isla magaalada siinaay, taasoo ka dhigaysa 75 booliiska Masar ee la dilay tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii lasoo doortay ee Masar.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Masar, Maxmaed Xusni Mubaarak ayaa lagu wadaa in lasii daayo, balse waxaa jira warar sheegaya in dambiyo kale oo loo haysto awgood laga yaabo inuu xabsiga ugu sii jiro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya