4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 2 , 2013
Xukuumadda Kenya oo Doonaysa inay Qoxootiga Soomaalida dib ugu celiso dalkooda iyo Qaramada Midoobay oo ka digtay


Jimco, August 02, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa qorsheynaysa in qoxootiga Soomaalida ah eek u jira xeryaha Dhadhaab ay dalkooda dib ugu celiso, balse Qaramada Midoobay ayaa ka digayso in dib u celinta ay noqoto mid Kenya ay ku qasabto qoxootiga.

Kenya ayaa sheegtay in falalka ammaan-darro ee ka dhaca xeryaha ku yaala waqooyiga dalkeeda ay ku qasbayaan inay qoxootiga dib ugu celiso dalkooda si ammaanku u soo laabto, balse qoxootiga xeryahaas ku jira ayaa weli cabsi ka qaba dib ugu laashada Soomaaliya.

Tan iyo Decembertii lasoo dhaafay ayay Kenya dadaal ugu jirtay sidii ay dib ugu celin lahayd qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool, kuwaasoo ay ku eedeysay inay mas’uul ka yihiin amni-darrada kusoo korortay dalkeeda.

C/fitaax Ibraahim oo mid ka mid ah qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegay in xilligan aysan Somalia ku laaban karin, iyagoo ka walaacsan amni-darrada ka jirta.

“Waxaan codsanayn lahayn iyo qorshaha dib u celinta qoxootiga la hakiyo inta ay gobollada Jubbooyinka ka noqonayaan nabadgalyo, waayo waxaan cabsi ka qabnaa inaan dib ugu laabanno Soomaaliya,” ayuu yiri Ibraahim.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dowladda Somaia kala shaqeynayso sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool, wxaana afhayeenka xukuumadda Kenya, Muthui Kariuki uu sheegay in maamulka Soonaaliya uu daneynayo in dib loogu celiyo dadkooda.

Maxkamadda  sare ee Kenya ayaa dhawaan soo saartay amar ay ku diiday in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn lagu celiyo xeryaha qoxootiga, taasoo ay hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda si weyn u soo dhaweeyeen.

Xukuumadda Kenya waxaa ka go’an inay dib u celiso qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool, kuwaasoo qaarkood halkaas tagay 22-sano ka hor, waxaase jira cadaadisyo caalami ah oo haysta.

“Dadka codsanaya in qoxootiga dib loo celiso ma fahamsana xaaladda ay ku sugan yihiin qoxootiga. Innagu ma doonayo inaan ku laabanno dal aanay ka jirin xasillooni,” ayuu yiri Axmed Ibraahim oo ka mid ah qoxootiga Somalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda muujisay walaaceeda ku aaddan dib u celinta qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab, waxaana uu madaxa hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR, Antonio Guterres uu ku cel-celiyay in xukuumadda Kenya ay tixgeliso xuquuqda qoxootiga.

“Qorshaha dib loogu celinayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool waa in la waafajiyo sharciyada caalamiga ah ee qoxootiga, waana in dadka xorriyad loo siiyo inay dib ugu laabtaan dalkooda iyagoo ka fikiraya nabaddooda,” ayuu yiri Guterres.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay waxay ku talisay inta aan qoxootiga dib loogu celin dalkooda waa inay marka hore xaaladda Soomaaliya noqoto mid la isku halleyn karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya