4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Hay’adda MSF oo si rasmi ah Maanta u Joojinayso howlihii gargaar ee ay ka wadday guud ahaan gobollada Soomaaliya


Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaartiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa maanta oo Jimco ah - 16-August, 2013 - si rasmi ah u joojinaysa howshii caafimaad ee ay ka haysay Soomaaliya, kaddib markii ay maalmo ka hor ku dhawaaqday inay Soomaaliya uga baxayso sababo amni awgood.

Madaxa  guud ee hay’adda MSF, Unni Karunakara oo suxufiyiinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in shaqaalahooda ay kala kulmeen gudaha Soomaaliya dhibaatooyin xooggan, taasna ay keentay inay gaaraan go’aanka ay kaga baxayaan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay in MSF sii waddo howlaha ay ku caawinayso shacabka Soomaaliyeed; haddana mas’uulka ugu sarreeya hay’adda wuxuu sheegay in go’aankooda uu yahay mid aysan ka laabanayn aakiin ay furan tahay inay cid walba la fariistaan si ay uga wada hadlaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen Soomaaliya.

MSF ayaa ka howlgeli jirtay 11-gobol oo Soomaaliya ku yaalla oo uu ka mid yahay gobolka Banaadir oo ay ku lahayd xarumo caafimaad 12 degmo oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, halkaasoo kumaannaan qof oo Soomaali ah ay sannad walba ka heli jireen gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah.

“Sababta ugu weyn ee keentay inaan Soomaaliya ka baxno waa markii aan aragnay in qof laba shaqaalaheenna ka mid ah ku dilay Soomaaliya bishii December ee sannadkii 2011 oo lagu xukumay 30-sano oo xabsi ah uu iska maro magaalada, taasoo nagu noqontay wax aan qaadan kari waynay,” ayuu Unni ku yiri shirkii jaraa’id ee uu Nairobi ku qabtay Arbacadii.

Mar la weydiiyay sababaha ay uga baxayaan Somaliland iyo Puntland oo ay ka jirto xasillooni ayuu sheegay in kuwa dhibaatooyinka ugu geysanaya qaar ka mid ah deegaannada Koonfurta Soomaaliya ay ku sugan yihiin goobahan, marka go’aankoodu uu yahay mid saameynaya Soomaaliya oo dhan.

Gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa maanta ay hay’addu isugu yeertay dhammaan shaqaalihii u shaqeynayay iyadoo ku wargelisay in wixii maanta ka dambeeya ay hay’addu joojisay.

Hay’adda MSF oo sannadkii 1971-kii lagu aasaasay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa loogu talogalay inay ka shaqeyso goobaha ay ka dhacaan dagaallada iyo musiibooyinka kale, iyadoo 22-kii sano ee Somalia ay ka howlgalaysay looga dilay 16 shaqaale ah oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya