4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2013
Dawladda Kenya oo caddeysay inaysan xilligan la bixaynin Ciidamadooda ku sugan gudaha Waddanka Soomaaliya
cab-6.jpg

Jimco, August 16, 2013 (HOL) — Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya oo aaminsan in Kenya ay qayb ka tahay ismari-waaga ka taagan gobollada Jubbooyinka ayaa bilihii ugu dambeeyay dalbanaysay in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolladaas ay ka baxaan dalka.

Waxaana go'aan ahaa in ciidamo ka socda wadamo isku dhaf ah oo ay wadatay dawlada Soomaaliya taageeray hogaamiyayaasha gobolka oo goor sii horreysay kulan ku yeeshay waddanka Uganda.

Waxaana intii uu socday shirkii ka dhacay Uganda ee madaxda gobolka sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiiradda gaashaandhigga ee waddanka Kenya ayaa dhawaantan jawaab ka bixisay eedaymaha uga imaanaya ciidamada Kenya dawlada dhexe ee Soomaaliya.

Raychelle Omamo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedaymaha sheegaya in ciidamada Kenya ay ku qasmeen muranka daakhiliga ah ee gobollada Jubbooyinka iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Waxayna sheegtay haweenaydaani in Kenya aysan xilligan ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya oo ay ku tilmaantay inay ka jirto wali xasilooni darro wadamada dariska ah saamayn ku yeelatay.

Waxayna sheegtay in ujeedka ciidanka Kenya uu yahay la dagaallanka argagixisada, ciidankooduna yahay kuwo anshax wanaagsan oo garanaya shaqada ay meesha u joogaan.

“Ciidama KDF waa kuwo anshax wanaagsan, oo leh tababar heer sare ah, kumana lug lahan wax siyaasad ah amaba ganacsi ah" ayay tiri Omamo.

“Waxaan qorshaynaynaa in markaan baxayno aan xaqiijino xasiloonida gobolka maahan tan Soomaaliya oo kaliya” ayay sii raacisay.

Wasiirada gaashaandhigga ee wadanka Kenya Raychelle Omamo ayaa hadalkan ka jeedisay shir ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socota wasaaradaha gaashaandhiga ee wadamada ku buhoobay urur goboleedka bariga Afrika.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya