4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Sarkaal ka Tirsan Hay'adda UNOCHA oo sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay saameyn ku yeelanayso xiridda Xawaaladaha

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan haya’dda isku duba-ridka gargaarka bani’aadamimo ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in la xiro xawaaladaha ay Soomaalida Britian ku nool lacagaha ugu diraan ehelladooda ku sugan Soomaaliya.

Madaxa OCHA, John Ging oo warbaahinta kula hadlay magaalada Bogota ee dalka Colombia ayaa sheegay in tani ay caqabad weyn ku noqon doonto ehellada dadkoodu ay ku sugan yihiin inay waayaan halka ay lacagaha u sii marsiin doonaan dadkooda ku sugan Soomaaliya.

“Arrintan waa mid aan aad uga walwalsannahay. Soomaaliya waa dal hadda ka baxaya dhibaato, dadkiisuna ay u baahan yihiin in caawinaad. Arrinta sida aadka la isku weydiinayana waa halka ay dhaqaalaha marinayaa haddii uu ku adkeysto Barclays Bank inuu xiro xisaabaadyada ay xawaaladuhu ku leeyihiin,” ayuu yiri John Ging oo Taladadii lasoo dhaafay hadlayay.

Bangiga Barclays ee dalka Britain ayaa bishii June ee sannadkan si cad ugu dhawaaqay inuu joojinayo adeegyadii uu u qaban jiray xawaaladaha dalka Soomaaliya lacagaha u dira, isagoo sheegay inuu ka baqdin qabo in lacagta qaarkeed ay gacanta u gasho Al-shabaab.

“Soomaaliya ma lahan hab bangiyeed la isugu diro lacagaha, waxaana dad ay haysato dhibaato weyn. Waxaan doonayno waa in la helo hab lacagaha loogu diro dadka Soomaaliyeed, si ay noloshooda u maareeyaan dibna ugu dhisaan dalkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya ayaa waxay ku tiirsan yihiin lacagaha ay ka helaan ehelladooda oo gaaraysa sannadkii 1.2 bilyon, taasoo lasoo mariyo xawaaladaha kala duwan ee Soomaalida.

Mareykanka oo la sheegay in 20% dhaqaalaha ay helaan dadka ku nool dalka Soomaaliya ka helaan ayaa bangiyadiisu waxay horay u joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaalida, iyagoo sheegay inay ka baqdin qabaan in lagu soo oogo eedo ku saabsan in lacagahaas qaarkood ay u gacan-galaan Al-shabaab.

Arrintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan hay’ado samafal ay ka digeen in la joojiyo lacagaha mara xawaaladaha oo ay sheegeen inay ka badan tahay midda gargaar ahaanta loo siiyo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya