4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2013
Maxkamadda Gobolka Mudug ee Maamulka GALMUDUG oo ganaax iyo xabsi lacageed ku ridday Eedeysanayaal muddo xirnaa

Khamiis, August 15, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Mudug ee hoos-tagta maamulka Galmudug ayaa maanta xukunno isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed dul dhigtay shan eedeysane oo muddo ku xirnaa xabsiga maamulkaas uu ku leeyahay Gaalkacyo.

Shantan eedeysane ayaa lagu eedeeyay is-hortaag howlo Qaranka, iyadoo afar ka mid ah eedeysanayaashan lagu xukumay min 18-bilood oo xabsi ah iyo ganax lacageed oo gaaraya min 600 oo doollarka Mareykanka ah, halka ruuxa kalena lagu xukumay laba sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 800 oo doollarka Mareykanka ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudug, Col. Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa sheegay in eedeysanayaashan kiiskood muddo baaritaan lagu hayay, balse maanta xukunno lagu riday.

“Eedeysanayaasha shanta ah: oo magacyadoodu kala yihiin: Maxamuud Carab Awle oo 73-jir ah, waxaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah 800 doollar oo ganaax ah. Afarta kale oo iyaguna kala ah: C/qaadir Maxamuud Aadan oo 40-jir ah, Maxamed Bootaan Cigaale oo 25-jir ah, Shaafi Macallin Khaliif oo 23-jir ah iyo Xasan Maxamuud Carab oo 22-jir ah waxaa midkiiba lagu xukumay 18-bilood oo xabsi ah iyo ganaax dhan 600 oo doollar,” ayuu yiri Col. Gulaafe oo la hadlayay warbaahinta xukunka kaddib.

Shantan eedeysane ayaa waxaa maxkamadda ka waday ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug oo dib ugu celiyay xabsigii ay ku jireen, iyadoo uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda inay jiraan eedeysanayaal kale oo iyaguna xukun sugayaal ah.

Maamul goboleedka Galmudug ayaa wuxuu ka mid yahay maamullada ka jira bartamaha Soomaailya oo taabacsan dowladda Soomaaliya, waxaana xukunkan uu kusoo beegmayaa xilli maamulkaas uu u dabaal-dagay shalay oo 14-kii bishan Ogoosto ahayd sannadguuradii toddobaad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya