3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Dalka Masar oo xaalad deg-deg ah la geliyay iyo in ka badan boqol qof oo ku dhintay Iska-horimaadyadii Maanta dhacay dalkaas
`


Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Dowladda KMG ah ee dalka Masar ayaa xukun deg-deg ah gelisay dalkaas gellinkii dambe ee maanta, kaddib markii Arbacada maanta ah ay dhaceen dalkaas rabshado dhaliyay khasaare soo gaaray dad isugu jira shacab iyo askar.

Xukunkan deg-degga ah ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xasilinayo dadlkaas, inkastoo aan la sheegin inta uu qaadanayo, waxaana xukuumaddu ay sheegtay in khasaare badan ay ka dhasheen isku dhacyadii maanta Masar oo dhan ka dhacay.

Warka kasoo baxay xukuumadda KMG ah ee Masar ayaa lagu sheegay inaan la arki karin isku soo baxyo ay dhigayaan taageerayaasha Mursi, iyadoo lagu wargeliyay ciidamada milateriga inay ka qaybqaataan howgallada booliisku ay ku nadiifinayaan magaalooyinka waaweyn ee Masar.

In ka badan 100-qof oo isugu jira shacab iyo ciidamo ayaa ku dhintay dhowr iska-horimaad oo maanta ciidamada dowladda iyo taageerayaasha Maxamed Mursi ku dhexmaray magaalada Qaahira iyo magaalooyinka kale ee dalkaas ugu waaweyn.

Ciidamada ammaanka Masar ayaa kala kexeeyay kumannaan dadweyne oo muddo dhowr bilood ah fariisimo ay mudaaharaadyo ka sameeyaan ka kala dhigtay barxado ku yaalla dalka Masar, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Qaahira, sida Raabica Al-Cadawi iyo Nahda, kuwaasoo ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka kexeeyaan dadkii ku sugnaa.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah ciidamadooda ammaanka ay ku dhinteen, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen rasbashadihii maanta dhacay, kuwaasoo ay ku tilmaameen kuwii xumaa ee dalkaas soo mara tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxamed Mursi.

Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay in dadka shacabka ah ee ku dhintay iska horimaadyadan ay gaarayaan 100-qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 900 oo qof, balse mas’uuliyiin u hadlay Ikhawaanul Muslimiin ayaa sheegay in dhimashada dadka rayidka ah ay gaarayso boqolaal qof, halka dhaawacyaduna ay ka badan gaarayaan kumannaan kale.

BooliiskaMasar ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee gala fagaarayaashii lagu dibadbaxayay iyo kuwa ka baxa, iyadoo taageerayaasha Mursi ay ku baaqayaan in la dhigo dibadbaxyo waaweyn oo looga horjeedo ciidamada dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/14/2013 1:02 PM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ciidamadda Booliska Somaliland, ayaa maanta hawlgal balaadhan oo ay ku baadhayeen gaadiidka iyo dadka la socdaba ka bilaabay magaaladda Hargeysa.

8/14/2013 12:52 PM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo mid ay ahayd haweeney ayaa ku dhintay, toddoba kalena way ku dhaawacmeen markii ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladdu maanta ku fureen rasaas dad shacab ah oo kasoo horjeestay inay ka guuraan dhul uu leeyahay milateriga dowladda Soomaaliya oo horay loogu wargeliyay inay ka guuraan.

8/14/2013 12:32 PM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa Arbacada maanta ah gellinkii dambe la wareegay isbitaalka degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo ay gacanta ku haysay hay’adda MSF Swiss, iyagoo ka qaatay qalabkii halkaas yaallay.

8/14/2013 9:28 AM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay lacag been abuur ah oo kor u dhaafeysa boqol milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.

8/14/2013 8:55 AM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahay ee MSF ayaa ku dhawaaqday maanta oo Arbaco ah inay joojisay gabi ahaan howlihii caafimaad ee ay haysay gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay sheegtay in xaaladda ammaan ay sii xumaanayso.

8/14/2013 8:41 AM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo taageerayaashii Maxamed Mursi ka mid ah ayaa ku dhintay, 98 kalena dhaawacyo kala duwan aya akasoo gaaray iskahorimaad maanta bartamaha Qaahira ku dhexmaray ciidamada ammaanka iyo taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuuray ee dalka Masar.

8/14/2013 8:02 AM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa ka kacay saakay 9:00 aroornimo dhismayaal shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

8/14/2013 4:46 AM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa shaacisay in ay joojin doonto howlihii ay ka heysay Soomaaliya, iyadoona arintaasi lagu wargeliyay shaqaalaha hay’adda eek u kala sugan gobollada dalka Soomaaliya.

8/14/2013 2:32 AM EST
Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Wasiirka cadaaladda iyo garooska Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Somalia ay billowday qorshayaal hubka looga qaadayo dadka shacabka ah.