4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Toogasho ku dilay dad shacab ah oo ka Dibad-baxayay Amar looga rarayay dhul dowladeed

Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo mid ay ahayd haweeney ayaa ku dhintay, toddoba kalena way ku dhaawacmeen markii ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladdu maanta ku fureen rasaas dad shacab ah oo kasoo horjeestay inay ka guuraan dhul uu leeyahay milateriga dowladda Soomaaliya oo horay loogu wargeliyay inay ka guuraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhismahada iyo dhaawucu ay ku yimaadeen markii askarta dowladdu ay rasaas ku fureen dad kusoo xoomay oo diidanaa inay ka guuraan goobahaas iyo guryahooda cagaf la mariyo.

“Saakay innagoo guryaheenna iska joogna ayaa waxaa noo yimid ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo cagaf-cagafyo wata, waxayna nagu yiraahdeen kasoo baxa guryaha waan burburinaynaaye, innaguna wax walba oo aan heli karnay ayaan gacanta ku qabsannay waana diidnay, rasaas ayayna fureen, taasoo dishay saddex qof, toddoba kalena dhaawacmay,” ayay tiri Canab Cali oo ka mid dadka deggen dhulka ay dowladdu banneynaysay.

Dadkan ayaa horay loogu wargeliyay inay ka guuraan dhul ay muddo dheer deggenaayeen, kaasoo u dhexeeya warshadda caanaha iyo damaanyo oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

“Maalmo dhaweyd ayaa waxaa noo yimid ciidammo ka tiran kuwa dowladda oo makafoonno wata, waxayna nagu wargeliyeen inaan dhulkaan ka guurno, innagoo intaas ogeyn ayay saakay noo yimaadeen iyagoo doonaya inay si saf mar ah u burburiyaan guryaha, dadkuna waana gadooday, taas ayaana keentay in rasaas dhimasho iyo dhaawac sababtay ay furaan,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka dadkii deegaannadaas deggenaa.

Howgalkii lagu burburin lahaa guryahan laga dhisay dhulka dowladda ee ay dadkan sida sharci-darrada ah ku deggenaayeen 22-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa joogsaday, iyadoo aan la ogeyn xilliga ay dowladdu dib u billaabi doonto inay dhulkaas ka rarto dadka ku nool.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin rasaasta ay fureen ciidamada dowladda ee sababtay dhimashada dadka shacabka ah, iyadoo dhawaanahan ay dowladdu ku howlanayn inay dadka shacabka ka kiciso dhulalka dowladda ee ay deggen yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya