4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Shilin Somali been Abuur ah oo Maanta lagu qabtay Kantaroolka Magaalada Boosaaso xarunta gobolka Gobolka Bari [SAWIRRO]


Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay lacag been abuur ah oo kor u dhaafeysa boqol milyan oo Shilinka Soomaaliga ah.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda ee Puntland C/raxmaan Xaaji Xasan oo shir-jaraa'id ku qabtay xarunta bankiga dhexe ee Puntland -laantiisa magaalada Boosaaso- ayaa ka warbixiyey lacagtan iyo weliba qaabkii loo qabtay.

Wuxuuna sheegay in lacagtan oo lagu soo qariyey fuusto dhexdeed ay ciidamada kantaroolku ku guuleysteen in ay qabtaan. Mudane Xaaji Xasan ayaa intaas raaciyey in tiro ahaan lacagtani ay dhan tahay 100,000,000 (boqol miyan).

Wasiirka ayaa sheegay in lacagtan oo ka timi dhinaca gobollada dhexe ee dalka, ay bilihii u danbeeyey si aad ah usoo geleysey deegaanada Puntland. Dhowr qof oo lacagtan wadey ayuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay.

Dowladda Puntland ayuu docda kale sheegay in arintan ay horay go'aan adag uga qaadatay, islamarkaana ay ka go'an tahay in lacagaha noocan ah laga ilaaliyo suuqyada Puntland, maadaama ay sicir barar keeni karaan.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli bilihii u danbeeyey ganacsatada Puntland ay kasoo yeereysey qaylo dhaan ku aadan lacago badan oo faalso ah oo suuqa soo galay.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Boosaaso lagu qabto lacago been abuur ah oo intaas tiro le'eg, haseyeeshee waxaa xusid mudan in hadda kahor gacanta lagu dhigay lacago faalso ah oo isugu jirey Doolar iyo Shilin Soomaali.



 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya