4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Dab khasaare hantiyeed geystay oo saakay ka kacay dhisme shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla Isgoyska Baar Ubax

Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa ka kacay saakay 9:00 aroornimo dhismayaal shidaalka lagu iibiyo oo ku yaalla isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabkan uu dhashay markii qof maskaxda looga jiro uu dab qabadsiiyay fuusto uu shidaal ku jiray, taasoo keenay in markiiba uu meesha ka kaco dab weyn.

“Dabku wuxuu burburiyay laba dhisme oo uu shidaal ku jiray iyo goob ahayd farmashiye, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii goobjoogayaasha ahaa ee goobtaas ku sugnaa.

Isgoyska Baar Ubax ayaa wuxuu ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana dabkan uu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka kaca isgoyskaas muddo sannado ah. Iyadoo isgoyskan ay ku yaalla goobo fara badan oo lagu iibiyo shidaalka.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo soo gaartay goobta uu ka kacay dabka ayaa kala eryay dadweyne halkaas kusoo xoomay, waxaana uu dabku u joogsaday si iskiis ah.

Hantida ku burburtay dabkaas ayaan la ogeyn, iyadoo ganacsatadii shidaalka lahayd ay sheegeen in dhaqaale badan uu ugu jiray, waxaana dhabkan uu kusoo beegmayaa iyadoo shalay uu wasiirka kheyraadka dalka ka digay khatar ka imaan karta fuustooyinka shidaalka ah ee lagu iibinayo hareeraha waddooyinka.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo laga joogo 22-sano ayaa waxaa shidaalka uu ahaa mid lagu iibiyo hareeraha jidadka waaweyn ee Muqdisho, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhashay dab geystay khasaare nafeed oo kala duwan. Inkastoo hadda ay dib u dhismayaan kaalimihii shidaalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya