4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2013
Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn ee (MSF) oo Joojineyso guud ahaan howlihii ay ka haysay Soomaaliya

Arbaco, August 14, 2013 (HOL) — Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa shaacisay in ay joojin doonto howlihii ay ka heysay Soomaaliya, iyadoona arintaasi lagu wargeliyay shaqaalaha hay’adda eek u kala sugan gobollada dalka Soomaaliya.

Saraakiil dhinaca caafimaadka oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda MSF ee gobolka J/hoose oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa HOL u xaqiijiyay in hay’adda MSF ay ku wargelisay shaqaalaheeda gobollada dalka Soomaaliya in 16-ka bishan aynu ku jirno ay joojin doonto guud ahaan adeegyadii dhanka caafimaadka ee ay ka waday Soomaaliya.

Hay’adda ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya lagu dhibaateeyay islamarkaana loogu geeystay dilal iyo afduubyo, waxayna sheegtay in 16-ka bishan ay xiri doonto dhamaan xarumihii ay ku lahayd Soomaaliya.

“Maamulka sare ee hay’adda ayay warqad nooga timid, waxaa nalagu wargeliyay in 16-ka bishan ay hay’addu joojin doonto dhammaan adeegyadii ay ka waday Soomaaliya,” ayuu masuulka aan soo xigannay  hadalkiisii raaciyay.

Hay’adda MSF ayaa ka howlgasha gobollo badan oo ku yaal dalka Soomaaliya, waxaana gobolka J/hoose ay ku leedahay isbital weyn oo lagu daweeyo bukaanada kala duwan oo ku yaal deegaanka Mareereey ee gobolka J/dhexe iyo xarun lagu quudiyo carruurta ay nafaqa darrada heyso ee shanta sano ka yar taasoo ku taal degmada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

Illaa iminka hay’adda MSF si rasmi ah ugama hadlin ka bixitaankeeda dalka iyo weliba sababaha keenay, haseyeeshee hadii hay’addu ay Soomaaliya isaga baxdo waxa ay saameyn ballaaran ku yeelan doontaa dad aad u badan oo ka faa’iideysan jiray adeegyadii kala duwanaa ee ay qaban jirtay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya