4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Munaasabad Abaal-marino lagu Gudoonsiiyay Arday oo Maanta ka dhacday dugsiga Aflah Basic ee Magaaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Munaasabad isugu jirtay furintaanka sanad dugsiyeedka 2013-2014, dhinaca kalana abaalmarino lagu guddoosiinayay Ardayda kaalamaha wanaagsan ka galay Imtixaanka dugsiga Aflah Basic ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

Maamulaha dugsiga Max'ed Cali Diiriye ayaa HOL u sheegay in ilaa 35 arday ah la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan kadib markii ay kaalmo wanaagsan ka keeneen Imtixaanka sanadllaha ee dugsiga Aflah Basic, waxaana uu intaa raaciyay in ay jireen arday lagu abaalmariyay asluub wanaag.

“Dugsiga Aflah Basic waxaa wax ka barta xiligan arday dhan ilaa 400, waxaana dugsi Hoos/Dhexe, tan iyo markii la furay 11/2/2013 ee sanadkan, tirada ardayda wax ka barta hadba waa ay sii kordhayeen, taasoo muujineysa baahida ballaraan xiligan loo qabo waxbarashada,'' ayuu yiri Max'ed Cali Diiriye.

Waxaa uu sheegay in dugsiga uu ku eg yahay ilaa fasalka sagaalaad ee waxbarashada, waxaana lagu dhigaa ama ka baxa ilaa todobo maado oo kala ah Xisaab, Soomaali, Arabic, Engalish, Socail, Tarbiya iyo Seynis, isaga oo intaa ku darray in ay jiraan casharo dheeraad ah oo uu dugsigu siiyo maalmo gaar ah dad aan waqtiga badan heysan todobaadka oo idil.

Ardayda la abaalmariyay oo qaarkood la hadllay HOL ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kaalamaha ay ka galleen Imtixaanka dugsiga, iyaga oo sheegay in isbadal dhinaca aqoonta ah darameeyaan mudadii koobneyd oo ay dugsiga dhiganayeen.

Dugsiga Aflah Basic inkastoo la furay sanadkan aynu ku jirno horaantiisii, ayaa haddana waxaa sii kordhaya tirada ardayda wax ka barta, taasoo muujineysa tayada macalimiinta wax ka dhigtay dugsiga iyo muhiimada ay arday dugsiyada dhexe u leeyihiin maadooyinka uu bixiyo Aflah Basic School.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya