3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda oo Maanta Magaalada Kamapala ku kala saxiixday Heshiis ay ku Mataanoobeen


Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis ay ku mataanoobeen, kaas oo ay ku yeelanayaan wada-shaqeyn, kaddib kulan saacado qaatay oo ay ku yeesheen Kampala guddoomiyaha baarlamaannada labada dal iyo xildhibaanno.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ka warbixiyay heshiiska ayaa sheegay inuu yahay mid qaybo badan ka kooban, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay in labada baarlamaan ay yihiin maanta wixii ka dambeeya kuwo mataano ah oo wadashaqeyni ay dhexmrayso.

“Heshiiskan aan maanta la saxiixannay baarlamaanka Uganda waxay qaban-qaabadiisu soo billaabatay bishii Feberaayo ee sannadkan, maanta ayaana la soo gabgabeeyay. Waxaana uu ka kooban qodobbo badan oo ay ka mid tahay in labada baarlamaanka ay si joogto ah ay uga wada shaqeeyaan labada dal,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in heshiiska ay ka mid yihiin sidii xildhibaannada laba baarlamaan ay u yeelan lahaayeen xiriirro joogto ah ayna xogaha isku dhaafsan lahaayeen. Isagoo xusay in mataaneyntan ay keenayso in xildhibaanno ay isdhaafsadaan labada baarlamaan kuwaasoo ka kala shaqeyn doona Kampala iyo Muqdisho.

“Baarlamaanka Uganda inaan heshiiskan la saxiixanno waxaan u doorannay iyadoo labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Uganad ay yihiin kuwo meelo badan iska shabaha, sidoo kalena aan doonayno inaan ka faa’iideysanno horumarrada ay sameeyeen, maadaama dhibaato tan hadda na haysata la mid ah ay horay u soo mareen,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, heshiiskan ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xoojinaya xiriirka labada dal iyo wadashaqeynta xildhibaannada iyadoo xildhibaan kasta oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir joogto la yeelanayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaa saxiixa heshiiskan kaddib kormeer ku sameeyay dhismaha baarlamaanka dalka Uganda, iyagoo intaa kaddib ka qaybgalay qado-sharaf uu baarlamaanka Uganda u sameeyay.

Dalka Uganda ayaa waxaa dalka Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo ka howlgalayay kuwaasoo ka howlgalayay Soomaaliya muddo lix sannadood ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/13/2013 10:49 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Wasiirka kheryaadka dalka, Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay maanta in hay’adda WFP ay kula heshiiyeen in gargaarka ay bixinayso ay ka iibiso beeraleyda Soomaaliyeed, halkii ay markii hore ka keeni jirtay dalka dibaddiisa.

8/13/2013 10:34 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u soo gaarayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qurba-joogta kasoo jeeda gobolka, kuwaasoo sheegay in ujeeddada socdaalkooda uu yahay ka qeyb-galka shirweyne uu ku baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

8/13/2013 9:30 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 15 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal culus oo maanta deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

8/13/2013 9:14 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Guddigii loo xil-saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo kasoo dagaysay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa soo saaray warbixin hordhac ah.

8/13/2013 9:13 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Munaasabad isugu jirtay furintaanka sanad dugsiyeedka 2013-2014, dhinaca kalana abaalmarino lagu guddoosiinayay Ardayda kaalamaha wanaagsan ka galay Imtixaanka dugsiga Aflah Basic ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne.

8/13/2013 8:27 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyey si weyn u hadal hayey darajooyinka ciidamada Somaliland loo qaybiyey, kuwaas oo intoodda badan si weyn usoo dhoweeyey dalacsiinta loo sameeyey ciidamada.

8/13/2013 8:19 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Baladweyne askari ka tirsanaa ciidamada maamulka gobolka HIiraan oo xiligaa la sheegay in uu ku sii jeeday gurigiisa.

8/13/2013 2:52 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan la qaatay wasiirro, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay xaaladda ammaan ee dalka.

8/13/2013 2:52 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ciidammo taabacsan ururka Ahlusunna waljamaaca iyo dad reer miyi ah ku dhexmaray deegaanka Sangub oo ku yaalla duleedka degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

8/13/2013 2:45 AM EST
Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Tuulada la yiraahdo Gooyaale dadka ku nool ayaa waxay billaabeen in waddooyinka soo gala tuulooyinkooda ay dib u hagaajistaan si ay u fudadaato aadista beerahooda iyo ceelal biyoodyada ay biyaha kasoo dhaansdaan, iyadoo gaadiidkana ay u tahay mid wanaagsan in waddooyinkaas la hagaajiyo.