4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2013
Iskahorimaad ciidamada Ahlusunna & dad rayid ah ku dhexmaray duleedka Degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Galguduud

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ciidammo taabacsan ururka Ahlusunna waljamaaca iyo dad reer miyi ah ku dhexmaray deegaanka Sangub oo ku yaalla duleedka degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran soo dhexgalay dadka ku nool deegaankaas iyo ciidamada Ahulusunna ka tirsan, kaddib markii dadkaas loo diiday inay deegaankaas ka jaraan dhir la doonayay in dhuxul laga dhigo.

“Iska-horimaadku wuxuu dhexmarya dad jarayay geedo si ay dhuxul uga dhigaan iyo ciidammo taabacsan Ahlusunna, waxaana dhintay laba qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, dhowr kalena way dhaawacmeen, haatanna xaaladdu waa deggen tahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalka oo kasoo baxay Ahlusunna Wal-jamaaca iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo dagaal uu dhexmaro dad shicib ah iyo ciidamada Ahlusunna Waljamaaca oo ka taliya qaybo ka tirsan gobolka Galguduud.

Xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ayaa hadda daggan iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca ee dagaalka la galay dadka deegaanka ee ku howlanaa jaridda dhirta.

Dagaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa laba maalmood kaddib iyadoo ay dowladda Soomaaliya guddoomiye cusub u magacowday gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya oo ay ka kala taliyaan maamullo aan is-ogoleyn oo ay ka mid yihiin Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya