4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Tartanka Koobka Ciyaaraha Somali-week London ee sannadkan 2013 oo ka Furmay Magaalada London ee Dalka Britain (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013(HOL)—Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey gelinkii danbe ee shalay xaruunta Ark Academy oo ku taal xaafada Wembley Park ee magaalada London, xafladaasi oo lagu daahfurayay furitaanka koobka cayaaraha Somaliweek London 2013.

 

Waxaana ka soo qayb galey dad aad u fara badan oo isugu jirey masuuliyiintii hore ee isboortiga, macalimiintii hore, ciyaartooydii hore, siyaasiyiin iyo kooxaha ka qayb galaya sanadkaan tartanka Somaliweek, masuuliyiintii halkaasi ka hadasheyna waxaa ka mid ahaa Mudane Maxamed Buuwe, Mudane Cabdulqaadir Isoomareey, Mudane Salaad Cusmaan Rooble, Mudane Muriidi Zein, Mudane Xuseen Caydiid, Mudane Cabdulqaadir Shido, Mudane Yaasin Bulsho, Mudane Yusuf Wagad, Mudane Tarabi, Mudane Digeeye, Macalin Laas, Macalin Cumar Baarajab, Xoghaye Siciid Faarax, Mudane Cabdi Dheeg, Marwo Naciimo Cali, Marwo Miski Cumar, Mudane Dhumaaye, macalin Shiino Guhaad iyo Gudoomiyaha Somaliweek mudane Cabdi Axmed, kuwaasi oo dhamaantoodna ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin in cayaaraha Somaliweek in  markale lagu qabto magaalada London iyo sida loogu baahan yahey in dhalinyarada iyo caruurta Soomaaliyeed ee degan wadankaan loo qabto cayaarahaan oo kale, waxayna bogaadin iyo amaanba u jeediyeen maamulka qabanaya tartankaan.

 


Masuuliyiintaan oo isugu jirey kuwii hore ee isboortiga iyo kuwa maanta ayaa waxay sheegeen in loo baahan yahey in isboortiga wadanka la soo nooleeyo islamarkaana kubadda cagta looga faaideysto dhalinyaradaan sidii looga faaideystey  kubadda koleyga cayaarihii Tanzania.

 

Dhanka kale waxaa heeso wadani ah iyo kuwa kaleba halkaasi ku soo bandhigay fanaanka caanka Cabdixakiim Farayare iyo musikiistaha qaranka Maxamed Macalow, iyadoo bahda saxaafadana ay si weyn uga soo qayb galeen SNTV, Universal TV, Somalichannel, Royal TV, Wehelmedia iyo SSPAMEDIA

 

London Stars iyo Nabadda

 


Ciyaartii ugu horeysayna waxaa fooda isku darey kooxaha kale ah London Stars iyo Kooxda  Nabadda,labadaan kooxood ayaa lagu tiriyaa kooxaha ugu adag ee ka dhisan magaalada London, ciyaar aad u xiiso badan oo ay dadweyne aad u tira badan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u farabadan ayaa waxay ka bilaabatey garoonka Wembley Park iyo ARK Academy.

 

Kooxda Nabadda ayaa goalkii ugu horeeyay shabaqa kooxda London Stars ku hubsatey ciyaarta markii ay socotey nusaac, wax yar kadibna goal qurux badan ayay kaga dhaliyeen kooxda London Stars, kadibna qaybtii koowaad ee cayaarta ayaa waxay ku soo dhamaatey 1 goal iyo 1 goal.

 

La tashiyo ay la soo sameeyeen macalimiintooda labada kooxood ayaa qaybtii labaad la iskugu soo laabtey, waxaa moodaa in kooxda Nabada qaybtii koowaad ay ekaayeen koox awood leh balse kooxda London Stars oo ah kooxda ugu qatarsan kooxaha wadankaan ayaa ka tirtirtey, kadib markii ay la dheleen ciyaar xeeladeysan, taasoo ka careysiisey ciyaartooyda kooxda Nabadda, islamarkaana goalkii labaad ay ka dhaliyeen.

Ciyaarta waxaa la wareegay guud ahaan kooxda London Stars, halka kooxda Nabadda labada laacib ugu wanaagsan kana dheelayay dhexda iyo daafaca calaamada casaanka loo taagey kadib markii ay ka caroodeen guuldarada kooxdooda.

 

Ciyaartiina waxay guusha ku raacdey 2 goal kooxda London Stars iyo macalinkooda Cali Mire, halka kooxda Nabadda iyo macalinkooda Maxamed Brasab ay guuldaro xaafada Wembley Park kale hooydeen.

 

Koobka Somaliweek London 2013 oo socon doono mudo todobaad ah ayna ku baratamayaan 8 kooxood wixii ku soo kordha kale soco sspamedia.com insha Allah.














Yusuf Yusuf, Ssspamedia

[email protected]
Somaliweek London