4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
ROBERT MOGABE: “Zimbabwe dib uguma laabanayso Gumeysi” Khudbad uu Maanta jeediyay Madaxweynaha Zimbabwe


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo dalkaas ayaa khudbad uu jeediyay maanta ku sheegay in dalkiisu uusan dib dambe ugu laaban dooni gumeysi, isagoo doorashadii dhawaan dhacday ku tilmaamay mid u dhacday si dimuqraadiyad ah.

Mugabe oo 89-jir ah ayaa dhawaan loo doortay xilka madaxnimo ee dalkaas wuxuuna khudbaddiisa ku sheegay in kuwa kasoo horjeeda doorashada inta xarig qaataan inay is-del-delaan.

“Doorashadii ka dhacday Zimbabwe waxay u dhacday si dimuqraaiyad ah oo xor ah, mana ogolaanayno cabashada mucaaradka oo sheegaya in la xaday doorashada, waayo waxaa joogay goobjoogayaal si dhab ah ula socday sida ay doorashadu u dhacday,” ayuu yiri Mugabe.

Sidoo kale, madaxweynaha Zimababwe ayaa khudbadiisan oo ahayd tii ugu horreysay o uu jeediyo tan iyo sidii loo doortay uu ku yiri: “Maanta waxaanu nahay dad isla weyn… waanu madax-bannaanahay… dal xog ah ayaanu nahay, waxaana mahad iska leh geesiyaashii ragga iyo dumar ahaa ee u soo huray xorriyadda dalkan dhiiggooda.”

Madaxweyuhu wuxuu sheegay in guusha uu helay xisbiga uu hoggaamiyo ee Zanu PF ay tahay mid xaqiijinaysa in Zimbabwe aan marbana la gumeysan doonin. Isagoo dalalka cunno-qabateynta kusoo rogay ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda xorriyadda iyo madaxbannaanida dalkiisa.

Robert Mugabe ayaa ku guuleysatay 61% codadkii la dhiibtay doorashadii ka dhacday dhawaan dalka Zimbabwe, halka hoggaamiyaha mucaaradka ee la tartamayay ee Moragn Shangarayna uu helay Morgan Tsvangrai-na uu helay 34% codadkii doorashada ee la tiriryay.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku gacan-sayray doorashada, wuxuuna u gudbiyay dacwad ka dhan ah maxkamadda sare ee dalkaas, taasoo lagu wado inay laba toddobaad gudahood ka gaarto go’aan.

“Xatooyada doorashada iyo ku shubashadii codadka waxay ahayd khiyaano weyn oo xisbigiisa lagu duudsiiyay xaqii uu lahaa,” ayuu yiri Tsvangrai oo diiday inuu ka qaybgalo maanta xus loo sameynayay dadkii u dagaalamay xorriyadda dalkaas.

Mugabe ayaa dalkaas xukumayay tan iyo markii uu xorriyadda qaatay oo laga joogo muddo soddon sano ka badan, waxaana dhowr jeer loo doortay inuu dalkaas hoggaamiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya