4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Jaamacadda ADMAS oo xaflad sagootin ah u sameysay Todoba arday oo ka helay deeq Waxbarasho Dalka Turkiga (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Jaamacadda ADMAS University College, ayaa xalay  xaflad Casha sharaf ah u samaysay toddoba arday oo hore uga qalin jabiyey jaamacadda oo deeq waxbarasho (Shoolership) ka helay dalka Turkey.

Toddobadan arday oo deeqdan ay heleen u galay tartan imtixaano ah oo laga qabtay in ka badan 80 waddan, ayaa  waxa xafladdaas oo casho ahayd ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka socotay wasaaradda waxbarashada, Komishanka Tacliinta sare, maamulka Jaamacadda, Macalimiin, waalidiin iyo ardayda deeqda waxbarasho helay.

Munaasibadda casha sharafta oo ahayd mid ay dadka ka muuqatay farxad, ayaa intii ay socotay waxa ay dadku hambalyaynayeen ardayda dedaalka badan muujiyey ee uu nasiibkoodu u saamaxay in ay deeqdan waxbarasho helaan.

“Waxaanu ku faraxsanahay in ardaydii aanu waxbarnay ee aanu gacanta ku haynay aanay na tacab khasaarinin ee ay ka faa’iidaysteen wixii aanu barnay” ayuu yidhi Ixsaan Cumar oo ah gudoomiyaha jaamacadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda ADMAS, Mudane, Xuseen Cabdillaahi Maxamuud, ayaa faahfaahiyey tirada wadamada iyo ardayda ay tartanka la galeen 7-da arday ee xafladda loo sameeyey, waxaanu yidhi “80 dal baa u tartamay jaamcadahan waxaana ka qayb galay oo ku guuleystay 55,000 arday, Somaliland-na waxay ka heshay 10 arday, 7 ka mid ahina waxay ka soo baxeen Jaamcadda ADMAS”.

Waxaanu intaas ku daray “Farxad ayay noo tahay in la yidhaahdo toddobaatan boqolkiiba deeqdan waxbarasho ardayda heshay waxay ka yimaadeen Jaamacadda ADMAS, wasaaradda waxbarashadu waa inay ka markhaati kacdo dedaalka ADMAS”.

Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy oo toddobada ay arday ay u badnaayeen qaybtaas, ayaa ka sheekeeyey waayaha nololeed ee adag ee ay waalidiinta Somaliland la soo mareen korinta iyo waxbarista carruurtooda, kuwaas oo aakhirka ay ubadkoodu soo gaadheen heer Jaamacadeed.

“Haddii ay 7  ka mid ahi nodeen 10kii ugu saraysay waxaan shaki ku jirin inay ADMAS ku jiraan boqolaal kale oo aan rajaynayo inaynu sidan oo kale u qaban doono xaflado kale” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey dardaaran uu usoo jeediyey arday, kuwaas oo uu u sheegay in ay u shaqeeyaan si adag, kadib waxbarashoodana ay dib ugu soo noqdaan dalkooda si ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan.

Prof. Ibraahim X. Muxumed Aaye oo ka mid ahaa weftigii aqoonyahanka ahaa ee la socday Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa hambalyo u diray Jaamacadda ADMAS oo uu ku amaanay tayada waxbarashada ay bixiyaan, taas oo uu sheegay in ay markhaati ka tahay toddobada arday ee ku guulaystay tartanka waxbarashada dibadeed.

Waxaa isaguna madashaas ka hadlay Cabdiqaadir Dhaashane, oo ka socday Komishanka Tacliinta Sare ee Somaliland, waxaanay sheegay in ay isaga farxad gaar ah u tahay, isla markaana ay taababanayso, maadaama oo uu ka mid ahaa macallimiintii seeska u dhigtay waxbarashada Somaliland.

waxa kale oo isaguna hadal ka jeediyey xafladdaas Agaasimaha tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Md. Khadar Axmed Diiriye, waxaanu dardaaran waayo-aragnimo u soo jeediyey 7-da arday, kuwaas oo uu sheegay in looga baahan yahay dedaal.

“Jaamacadda ADMAS waxaan leeyahay wakaas oo waxaa idin amaanay Gudigii Tacliinta sare anaguna ka wasaarad ahaan waanu idinku xisbaabtami doonaa kaalintiina qiimaha leh.”ayuu yidhi Khadar Axmed, agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashadda.

Waxa iyaguna madashaas hadalo ka jeediyey Cismaan Awr-liqe oo ku hadlay magaca waalidiinta, Solomon Wakjira oo ka mid ah macalimiinta iyo Maxamed Cumar Guudle oo ku hadlay afka ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho ee dalka Turkey.

Jaamacadda Admas ayaa xarunteedda wayni ku taalla magaaladda Addis ababa ee Itoobiya, waxaanay qaybtani tahay faraqadeedda labaad ee ay ku leedahay magaaladda Hargeysa.





Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland