4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Macaahid lagu Baran Doono Culuun kala Duwan oo laga Furay Boocame iyo Yeyle oo kawada tirsan Gobolka Sool (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013 (HOL) —  Munaasabado lagu furayey machadyo diini ah ayaa lagu qabtay magaalooyinka Yeyle oo ku dhawaad 100-KM Waqooyi-galbeed kaga xigta magaalada Laascaanood iyo Boocame oo 75-KM dhinaca Bari kaga beegan Laascaanood.

Munaasabad lagu qabtay Yeyle oo ay kasoo qayb-galeen culummada gobolka Sool, waxgarad iyo odayaasha deegaanka ayaa waxaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta bulshada gaar ahaan da'yarta soo koraysa.

Culummadii halkaasi ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen, Sheek Siciid Axmed Cadar iyo Sheekh Yuusuf Haybe ayaa waxay sheegeen in loo baahan yahay in bulshadu ay si aad ah isugu xil-saaraan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen kobcinta aqoonta diiniga ah iyo midda mmaadiga ah, waxayna uga mahad-celiyeen laba hablood oo suuro-geliyay dhismaha machadkan oo loo bixiyey Imaamu Shaafici.

Qaar ka mid ah odayada deegaanka ayaa si aad ah u soo dhaweeyay furitaanka machadkan waxayna balan qaadeen inay isla garab taagi doonaan wixii karaankood ah.

Dhinaca kale, waxaa magaaladda Boocame laga furay machad loogu isagana  loogu magacdaray Imaamu Shaafici kaasoo lagu baran doono culuunta Islaamka.

C/risaaq Muuse Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in kharashka ku baxaya machadkan laga rabo dadka reer Boocame, kaasoo dhan sannadkii 14,400 oo doollar si waxbarasha ardaydu u noqoto bilaash.

Waxaanu intaas ku daray in machadkan ay suura-geliyeen ganacsatada magaalooyinka Boosaaso iyo Laascaanood iyo dadka qurbaha ku maqan.

Machadyadan Imaamu Shaafici ayaa waxay yihiin kuwo ka furan inta badan magaalooyinka gobolka Sool, waxayna intooda badan isugu jiraan diini iyo maaddi, balse waxaa la sheegay in kuwani ay haatan yihiin culuunta diinta Islaamka waxaa lagu baran doonaa.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool