4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wada kulammo looga tashanayo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Somalia (SAWIRRO)


Axad, August 11, 2013 (HOL) — Waxaa mar kale lagu qabtay Muqdisho shir ku saabsan Raod-Map-ka xuquuqda aadanaha Somalia, kaasoo ay ka qayb-galeen xoghayaha golaha wasiirrada, Maxamed Jamac Calas, ururrada bulshada rayidka ah iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay xuquuqul insaanka ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari).

Shirkan oo dhacay shalay oo Sabti ahayd ayaa daba-socday kulammo horay uga dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo looga tashanayay khariirada geedi socodka lagu hormarinyo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wada-tashigaan dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo ururrada bulshada rayidka ee ku sugan maagaalada Muqdisho ayaa looga hadlay sidii loo dhamystiri lahaa khariidadda geedi-socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka muwaadiniita Soomaaliyeed (Human Rights Road Map).

Shirkani wuxuu qayb ka ahaa  kulammo isdaba-joog ah oo uu abaabulay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo lagu doonayo in talo wax ku ool ah looga qaato bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan.

“Kulankan wuxuu ahaa mid ay dowalddu ugu sharaxayso ururrada bulshada rayidka Soomaaliye3ed qabyo-qoraalka khariirada geeddi-socodka ee lagu hormarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul aadanaha Soomaaliyeed, waxayna dooddu ahayd mid furan oo la isku dhaafsanayay firadaha iyo talooyinka ku aaddan sidii loo hormarin lahaa loona ilaalin lahaa xuquqal insaanka Somalia,” ayuu yiri danjire Yuusuf Bari-Bari oo intaas ku daray in qaybaha kasoo qayb-galay ay soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah iyo kaalintooda bulashada rayidka kaga aaddan dhaqan-galinta khariiraddan.

Shirarkan ayaa sii socon doona illaa iyo inta laga dhamaystirayo qabyo-qoraalkan, waxaana dhawaan shirkii ugu dambeeyay lala yeelan doonaa madaxda sare ee hay’adaha amniga.

Intaaan loo gudbin qabyo qoraalkan shirka golaha wasiirrada wadaa mar kale wada-kulmi doona dhammaan xubnihii ka qaybgalay shirarkii hore, iyadoo loo soo bandhigi doono qabyo qoraalka oo dhamaystiran.

Ugu dambayn, waxaa la filayaa inuu dhaco shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada isugu imanayaan dhammaadka bisha August, 2013, ayna kasoo qayb-gali doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, dajire Yuusuf Bari-Bari, madaxda sare ee hay’adaha amniga iyo xubno matalaya bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, waxaa lagu marti-qaadi doonaa khabiirka madaxa-bannaan ee u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha xuquul Insaanka ka jira Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari iyo madax ka socota xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqal insaanka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya