4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Maanta Gudoomiye cusub u magacowday Gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomnaaliya

Axad, August 11, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyadoo la sheegay in lagu magacaabay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud ayaa la sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu la wareegayo xilka guddoomiyenimo ee gobolkaas oo ay ka kala taliyaan maamulllo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ahlusunna, Ximan iyo Xeeb iyo Al-shabaab.

Magacaabiddan ayaa dhacday 27-kii bishii July ee lasoo dhaafay; laakiin uu maanta saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isla maantana lana faafiyay.

“Tallaabadan waa mid qayb ka ah horumarinta maamullada gobollada dalka, maadaama uu waqtigiisii dhammaaday maamulkii hore ee gobolkaa ay u magacowday dowladda Soomaaliya, waxaana magacaabiddan loo cuskaday qodobbada, 18-aad, 90-aad iyo 99-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa bishii July ee sannadkii hore u magacowday maamul KMG ah gobolka Galguduud, kaasoo uu madax looga dhigay, Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow, kaasoo la sheegay inuu xilkiisii KMG ahaa uu dhammaaday.

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo maamullada kale ee gobolkaas ka jira ayaan weli ka hadlin magacaabidda ay dowladdu u magacowday mas’uulka cusub maamulka gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya. Iyadoo wareegtada aan lagu sheegay mas'uuliyiinta kale ee maamulka gobolka Galguduud.

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay sharciga sameynta maamullada gobollada dalka, inkastoo qodobbo ka tirsan uu diiday madaxweynaha, lagana sugayo baarlamaanku uu wax ka bedel ku sameeyo.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa ahaa guddoomiyihii degmada Afgooye intii uu Koonfurta Soomaaliya ka talin jiray Jen. Maxamed Faarax Caydiid, waxaana xilkaas kala wareegay maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee dalka ka curtay sannadkii 2006.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya