3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Dib u dhac ku yimid Magacaabiddii Golaha Wasiirrada Maamulka Jubba-land oo lagu waday in Maanta lagu dhawaaqo

Axad, August 11, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta la filayay in magaalada Kismaayo looga dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa waxa arintaasi ku yimid dib u dhac iyadoona mudo 10 maalmood ah dib loo dhigay.

Dib u dhacan ayaa ka danbeeyay kadib markii wafdi ka socday urur goboleedka IGAD oo uu horkacayay xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Jeneral Gabre oo maanta soo gaaray Kismaayo ay masuuliyiinta maamulka ka codsadeen in ku dhawaaqidda golaha wasiirada dib loo dhigo mudo 10 maalmood ah.

Wafdigii ka socday IGAD ayaa gudaha garoonka kulan kula qaatay masuuliyiinta maamulka Jubbaland iyo qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, waxayna ka dalbadeen in mudo 10 maalmood ah dib loo dhigo soo dhisidda golaha wasiirada, iyagoona ballan qaaday in mudadaas gudaheeda ay isugu keeni doonaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

C/qani Cabdi Jaamac oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in dib u dhacan uu ka danbeeyay kadib codsi uga yimid dowlad goboleedka Igad oo ku aadanaa in fursad la siiyo wadahadallada u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

“Waxaa noo yimid wafdi uu hogaaminayay Gen Gabre oo uu soo diray ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya, waxay naga codsadeen in mudo 10 maalmood ah dib loo dhigoo magacaabidda golaha wasiirada, inaguna waan ka aqbalnay,” ayuu masuulkani hadalksii raaciyay.

Dib u dhacan ku yimid dhameystirka maamulka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay soconayeen wadahadallo ay marti gelisay dowladda Itoobiya kuwaasoo la doonayay in la isugu keeno dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya













Click here
8/11/2013 9:23 AM EST
Madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano nabad-sugida Axmed Macallin Fiqi ayaa waraysi uu siiyay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ku sheegay in uu ka hortagay weeraro la doonayay in lagu khaarajiyo labada hogaamiye ee ugu cadcadaa tartankii doorashadii dalka Kenya.

8/11/2013 9:08 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Waxaa mar kale lagu qabtay Muqdisho shir ku saabsan Raod-Map-ka xuquuqda aadanaha Somalia, kaasoo ay ka qayb-galeen xoghayaha golaha wasiirrada, Maxamed Jamac Calas, ururrada bulshada rayidka ah iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay xuquuqul insaanka ee Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari).

8/11/2013 8:43 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Soddon ka mid ah xildhibaannada dumarka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya si ay uga qaybgalaan siminnaar aqoon-kororsi ah oo looga hadlayo sida ay u shaqeeyaan baarlamaannada caalamka iyo sidii baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir ula yeelan lahaa baarlamaannada kale ee caalamka.

8/11/2013 7:57 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyadoo la sheegay in lagu magacaabay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

8/11/2013 7:36 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) —Iyadoo shalay dowladda Puntland ay dekedda magaalada Boosaaso ka celisey markab sidey deeq raashin ah oo ka timid hay'adda Bisha Cas ee Turkiga, taas oo ku socotey qaar kamid ah degmooyinka Puntland iyo gobollada dhexe ee dalka, ayaa waxaa arintaas siyaabo kala duwan u fasiray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliila xukuumadda Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole.

8/11/2013 3:22 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Orodyahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa ku guuleystay orodka dheer ee 10,000 oo mitir tartanka adduunka eek a dhacaya magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

8/11/2013 2:39 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukumadda uu madaxda ka yahay muddadii ay jirtay, isagoo xusay in waxyaabo badan ay ka qabteen dhibaatooyin ka taagnaa magaalada Muqdisho.

8/11/2013 2:00 AM EST
Axad, August 11, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay dhaceen gargaar kala duwan oo loogu deeqay dadka Soomaaliyeed, kaasoo qiimihiisu ahaa 480,000 lacagta Britain ah oo la mid ah 75,000 oo doollarka Mareykanka ah.