4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay wixii u qabsoomay Xukuumada uu Madaxda ka yahay Muddadii ay jirtay


Axad, August 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukumadda uu madaxda ka yahay muddadii ay jirtay, isagoo xusay in waxyaabo badan ay ka qabteen dhibaatooyin ka taagnaa magaalada Muqdisho.

Mudane Saacid ayaa sheegay in sidoo kale ay ku guuleysteen inay xiriirkii caalamiga ah ee Soomaaliya ay la lahayd dalalka dunida ay soo celiyeen ayna ku guuleysteen in dowladda Soomaaliya la aqoonsado.

“Markii aan halkaan nimid waxaan u nimid meel aysan waxba ka jirin, markii aan howsha billowday waxaan qaadnay 60 isbaaro oo u yaallay dhallinyaro aan waxba ka aqoon wada-noolaashaha iyo dowladnimada taasoo ay ka heli jireen lacago fara badan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Qaadista isbaarooyinka ayuu sheegay inay ku yimaadeen dadaallo badan oo ay sameeyeen, isago sidoo kale sheegay inay wax ka qabteen ammaanka guud ee Muqdisho oo uu sheegay inay khatar dhinaca ammaanka ah ka jirtay markii ay xilka wareegayeen.

“Dadaal aad u ballaaran ayaan ku bixinnay sugidda amaanka Muqidsho iyo deegaannada kale ee dalka iyadoo la ogyahay inay jiraan daruufo badan oo dowladda horyaalla. Xukuumaddu waxay diyaarisay qorshe cusub oo lagu saxayo nidaamka ciidammada, iyadoo sidaas aan u dadaalayno haddana waxaa jira daruufo dhinaca dhaqaalaha ah oo dowladda haysta,” ayuu mar kale Saacid oo la hadlayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda.

Siyaasadda arrimaha dibadda ayuu ka hadlay isagoo sheegay in horumarro waaweyn ay xukuumaddu ka gaartay soo celinta xiriirka u dhexeeya Somalia iyo caalamka, wuxuuna xusay in dadaallo badan oo la sameeyay ay taasi ku suurogashay, balse aysan ahayn mid iska timid.

Mar uu ka hadlay dhinaca dhaqaalaha ayuu sheegay inay xakameysay sidii loo xadidi lahaa daqliga dowladda kasoo gala gudaha, isagoo sheegay in bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay dowladdu kasoo heshay gudaha ay ahayd laba milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaalihya wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal cusub oo ay wax kaga qabanayaan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaanka, isagoo hadalkiisa ku daray inay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya