4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 10, 2013
Tahriibayaal Soomaali iyo Eriteriyan isugu jira oo ku geeriyooday dooni kula degtay Xeebaha Waddanka Talyaaniga

Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ka mid ah dad dooni ay kula dagtay xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa dhintay kuwo kalena waa la badbaadiyay iyagoo khatar ugu jira inay dhintaan.

Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in doomo ay leeyihiin ciidamada badda Talyaaniga ay u gurmadeen tahriibayashaas ay la dagtay doonidii ay ku safrayeen, iyagoo badbaadiyay tiro tahriibayaal ah oo aan la cayimin.

Tahriibayaasha dhintay iyo kuwa la badbaadiyay ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalalka Soomaaliya iyo Eriteriya, ayna kasoo socdaaleen xeebaha dalka Liibiya si ay u gaaraan dalka Talyaaniga.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii tahriibayaal doonayay inay gaaraan dalka Talyaaniga ay qaarkood ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Afrika iyo Yurub halka kuwo kalena uu badbaadiyay markab ganacsi oo halkaas marayay.

Dhimashada tahriibayaashan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay Qaramada Midoobay sheegtay in sannadkan oo keliya ay gaareen xeebaha dalka Talyaaniga 7,800 oo tahriibayaal ah, kuwaasoo ka tagay xeebaha Afrika.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sannadkii hore 2012 ay ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Qaaradaha Afrika iyo Yurub in ka badan 500 qof oo isugu jiray rag iyo haween magan-galyo doon ah.

Muhaajiriin fara badan ayaa sannad walba ka baxa xeebaha dalka Liibiya iyagoo gaara xeebaha Talyaaniga iyo jasiiradda Malta, waxaana jira in kuwo badan oo tahriibayaashaas ka mid ah ay badda ku dhintaan iyagoo qorshahoodu yahay inay tagaan Yurub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaliya