4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Shirkii Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida (SAWIRRO)


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa uuna shir-guddoominayay  ra’iisul wasaare Saacid ayaa su’aalo la xiriira ammaanka lagu weydiiyay taliyeyaasha booliiska iyo nabadsugidda Soomaaliya.

Kulanka ayaa inta badan looga hadlay arrimaha ku aadan sugida amniga ee dalka, waxayna goluhu warbixinno la xariira ammaanka ka dhegeysteen Jen. Cabdixakiin Daahir (Saacid) iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, kuwasoo ka warbixiyay howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ay ciidamadu ka wadaan Muqdisho, iyagoo xusay in 24 saac kasta ay ciidamada ammaanku baajiyaan falal lidi ku ah ammaanka iyo shacabka.

Taliyaha booliska, Jen. Saacid ayaa ka warbixiyay kooxo qarxiyay labo ka mid ah baalayaasha ku shaqeeya cadceedda oo ku yaalla waddada Makka Al-Mukarama, isagoo tilmaamay inay soo qabteen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi, ayna haatan ku jiraan xarunta dambi baarista ee CID-da, marka ay baaristu dhammaatana ay soo bandhigi doonaan.

Sidoo kale taliyaha nabadsugidda, Jen. Bashiir Goobbe ayaa isna dhankiisa sheegay inay laba-laabayaan ka hortagga falalka ammaanka kasoo horjeeda ee Al-shabaab ay doonaysao inay ka fuliso Muqdisho iyo gobollada kale ee ay dowladdu gacanta ku hayso.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo xirmay ayaa xusay in kulanka looga hadlay howlaha shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay (Private Security Companies), kuwaasoo uu xusay in dowladdu dib u eegis ku sameyn doonto.

Ridwaan ayaa sidoo kale sheegay in goluhu ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection oo heshiis ay dowladdii KMG ahayd la saxiixatay, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah.

Howsha shirkaddan ayuu sheegay afhayeenku inay saamixi doonaa in la horumariyo tayada iyo caafimaadka raashinka dalka la keenayo. Iyadoo tani ay noqonayso tallaabadii ugu horreysay oo ay dowlad Soomaaliyeed qaaddo tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii kacaanka ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya