4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Dibadbax looga horjeeday weerarrada ka dhanka ah Turkiga oo Muqdisho ka dhacay iyo Mas’uuliyiin ka hadlay (SAWIRRO)


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Bannaanabax lagu taageerayo howlaha samafal ee Turkigu uu kawado Muqdisho loogana soo horjeedo weerarkii is-ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday qunsuliyaddooda Muqdisho ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan oo ka dhacay faraaraha daljirka dahsoon ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo dadweyne fara badan oo isaga yimid Muqdisho oo dhan.

“Sababta loo weerarayo Turkiga ka ma taqaaniin? Waa maxay u dhismaysaa Muqdisho, waxayna mugdigii uga baxday, maxayna dib ugu soo noolaatay 22 sano kaddib,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo ka hadlay dibadbaxa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka Muqdisho inay ka baxaan doqonnimada oo ay ka hor-tagaan kuwa doonaya inay magaaladooda mar kale qabri ka dhigaan oo u diidan inay dib u iftiinto.

“Weerarkii lagu qaaday xarunta Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho wuxuu ahaa mid siyaasadeysan oo ay shirko ku yihiin Al-shabaab iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho, waxaana lagu diidan yahay samafalka Turkiga uu kawado Muqdisho iyo qaybaha kale ee dalka,” ayuu Tarsan hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolku wuxuu sheegay in siyaasiyiinta iyo Al-shabaab ay heshiis ku yihiin sidii magaaladan aysan horumar u sameyn lahayn, sidaa daraadeedna looga baahan yahay shacabka inay kuwaasoo ka hortagaan.

“Cali Dheere, Godane iyo siyaasiyiinta hubka u qarinaya una soo marinaya waddooyinka waxay ku midoobeen in halkan la burburiyo, waayo Al-shabaab diyaar ayay u tahay inay is-qarxiso, siyaasiyiintana dano gaar ah ayay halkan ka leeyihiin,” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Tarsan.

Jeylaani Nuur Iikar oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo isna ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in falalka ammaan-darro ee Muqdisho ka dhacaya ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka gobolkan ka socda, si ay u sii ahaato meel burbursan oo colaadi ay ka jirto.

Ugu dambeyn, waxaa magaca guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir ku hadashay guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed oo sheegtay in qaraxyo la sameeyo iyo dad la dilo aysan u hakan doonin howlaha lagu horumarinayo gobolka Banaadir.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya