4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2013
Taliska AMISOM oo ka Hadlay dilalka qorsheysan ee Xoogaga Al-shabaab ay ka geysanayaan Muqdisho iyo Gobollada Dalka


Khamiis, August 01, 2013 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa ka hadlay dilalka qorsheysna ee Al-shabaab ay ka geysanayso magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in weerarradaas ay kuwo ammaanka lagu carqaladeynayo.

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id qabtay maanta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilalka qorsheysan ee loo geysanayo qaybaha bulshada, kuwaasoo uu ugu dambeeyay afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo shalay la dilay.

“Falal ammaan-darro ayaa ka dhacayay dhawaanahan Muqdisho iyo gobollo dalka ka tirsan waana kuwo ay geysanayaan Al-shabaab, waana ka xunahay dilalka dadka rayidka ah iyo cuqaasha deegaanada loo geysanayo,” ayuu yiri Col. Xumad oo sheegay inay ka shaqeynayaan adkeynta ammaanka guud ee dalka.

Col. Xumad wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho iyo kuwa gobollada dalka horumar la taaban karo laga gaaray, balse ay weli dhibaatooyin jiraan, dhawaanna ay dalka imaanayaan ciidamo booliis Soomaaliyeed ah oo tababar ku dhameystay dalka Uganda, kuwaasoo qayb ka qaadanaya sugidda ammaanka dalka.

“Waan arkaynaa in kooxaha nabadda diiddan ay ka wadaan Muqdisho falal ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo qaraxyo, balse dhawaan waxaan bilaaban doona howlgallo lagu adkeynayo ammaanka, kuwaasoo ay ka qayb ka qaadan doonaan ciidamada AMISOM,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Afhayeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay ciidamada gacan ku siiyaan sidii loo qaban lahaa kuwa dhibaatooyinka geysanaya, si uu dalku u noqdo mid nadboon oo ammaan uu ka jiro.

Ugu dambeyn afhayeenku wuxuu ka hadlay ammaanka gobollada Jubbooyinka gaar ahaan Kismaayo isagoo sheegay in xaalad ammaan oo wanaagsan ay ka jirto, sidoo kaelna ay ka socdaan howlgallo lagu xoojinayo amniga guud ee gobolladaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa todobaadkii hore shaacisay inay 108 weerar oo ay ku jiraan kuwo ismiidaamin ah ka geysatay Muqdisho iyo gobollada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya