4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo u dhintay Afar kun oo Shilling Soomaali ah

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta ka dhacday dhacdo aad u fool xun oo ay sameeyeen labo ka tirsan askarta ciidamada dowladda Somalia kaddib markii ay ku murmeen lacag gaaraysa 4,000 oo shillin Soomaali ah.

Rasaasta ay is-weydaarsadeen labadan askari ayaa waxaa ku dhintay kii lacagta afarta kun oo dheeri ahayd qaatay, waxaa kaloo ku dhaawacmay labo qofood oo mid ay tahay gabar shidaal ku iibinaysay halka ay labada askari ku dhexmaray is-rasaaseynta, dhaawaceedana waa mid aad u halis ah.

Arrintan ayaa ka dhacday suuqii caanaha ee u dhow Afar-Irdoodka ama daarta weyn ee SheeKh Ibraahim oo ku taalla bartamaha Baydhabo, waxaa kaloo uu khasaare soo gaaray ganacsatidii caanaha iibinaysay ee reer miyiga ahaa. Dhamaan caanhood waxaa ka daadiyay dadweyne rasaasta socotay ka baxsanayay.

Baryahaan amaanka Baydhabo faraha ayuu ka baxay; waayo ciidamadu dhac ayay u geystaan dadweynaha marka ay qorraxdu dhacdo; waxaana ciidamada dhaca geysanaya ay ka mid yihiin kuwo dhawaanahan kusoo qul-qulayay degmada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku hayay ciidamada Itoobiya oo isaga baxay saldhigyo badan oo ay kaga sugnaayeen Baydhabo, waxaana shacabka Baydhabo ay  u muuqdaan kuwo diiddan maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka Bay.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii Xarakada Al-shabaab laga saaray horraantii sannadkii hore, waxaana hadda gaaray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhulka maray, kuwaasoo lagu wado inay la wareegaan gacan ku haynta degmada Baydhabo marka ay isaga baxaan ciidamada Itoobiya.

Hiiraan Online, Baydhabo