4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Wafdigii shalay gaaray Baladweyne oo kulammo la leh Mas'uuliyiin Maamulka Gobollka Hiiraan ka tirsan iyo Qaybaha Bulshada

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Wafdiga ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ee maalintii shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa kulamo gargaar ah la yeellanaya mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, xilli maanta la fillayay in xilka lagu wareejiyo mas’’uuliyiinta cusub ee maamulka gobollka Hiiraan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan siweyn uga soo horjeedaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobollka oo sida sheegeen wax la tashi ah kala sameynin dowladda,  laakiin ay ka war helleen qaban-qaabada munaasabada xil wareejinta.

Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ka mid ah xubnaha wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay HOL in ilaa iyo maanta soo dhameyn doonaan kulamada ay la leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo qeybaha bulshada maalinti barri ah la qaban doono munaasabada xil wareejinta.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ka mid ahaa wafdigii maalintii shalay tagay magaalada Baladweyne sheegay in uu xilka ku wareejinayo cid kasta oo ay dowladda soo magacaawdo maamulka gobollka lana shaqeyn doono, hasse xubno ka tirsan ku-xigeenadiisa ayaa sheegay in aysan raali ka aheyn magacaabista maamulka cusub ee gobollka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa la oran karaa laftirkooda kulamada soconaya qeyb ayeey ku leeyihiin, madaama ay quseyso arinta ku saabsan nabad-galyada gobollka gaar ahaa magaalada Baladweyne.

Maalintii bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada lagu qabto munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula kala wareegayaan guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo guddoomiyaha cusub Cabdi Faarax Laqanyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya