4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Siilaanyo Guddi Heer Qaran ah u Magacaabay xuska 18-ka May, isagoo amar kasoo saaray Iskaraabka Yaalla Somaliland

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliand Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta soo saaray wareegtu uu ku magaaabay guddi heer qaran oo qabanqaabisa xuska 18 May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhowaaqday  inay ka madax banaantahay soomaaliya inteedda kale 18. May, 1991.

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeeduna tahay JSL/M/MG/241-1695/042013 ku magacaabay Gudi heer qaran ah, qaban-qaabada Xuska 18-ka May. Gudidaas oo ka kooban 11 xubnood waxa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur)”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha inta aanu saaka ka anbabixin magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu guddidan faray maadaama oo sanad guuraddii 22aad ee Somaliland madax banaanideedii dib ugala soo noqotay Soomaaliya ay soo dhowdahay inay qabanqaabiyaan xus balaadhan oo loo qabto maalintaasi. “ waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 22aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May”ayuu ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu intaas ku daray “waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan”.

Guddidan heer qaran ee uu madaxweynuhu magacaabay ee diyaarisay xuska maalinta 18 Mayaya waxay ka kooban yihiin. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, (Guddoomiye), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta,  Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirade badan yahay, Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.

Dhinaca kale,  madaxweynuhu wuxuu amar ku bixiyey in la soo ururiyo iskaraabka (Biraha Gaboobay) ee dalka yaalla si dib loogu iibiyo, maadaama oo iskaaraabku ka mid yahay hantidda guud ee qaranku leeyahay.

 “Waxaan farayaa Guddida Qandaraasyada Qaranka inay qiimeeyaan iskaraabka, mariyaanna nidaamka qandaraasyada Qaranka, isla markaana u bandhigaan suuqa xorta ah (Tartan xor ah iyo qandaraas furan), iyaga oo la-kaashanaya Wasaaraddaha hawshan ku hawlan”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyadda, waxaanu xusay in wixii dhaqaale ah ee ka soo baxa lagu maalgalin doono ciidamada kala duwan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wixii dhaqaale ka soo baxa Markabka yaalla Dekedda Lughaya, si gaar ah loogu horumarin doonnaa Dekedda Lughaya.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland