4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo Tababar u soo xiray Boqollaal ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya

Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar ugu soo xiray xerada Xalane ee duleedka Muqdisho boqolaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilooyin halkaas tababar ku qaadanayay.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa waxay isugu jireen boolis, nabadsugid iyo milateri waxayna ka shaqeyn doonaan amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho; iyagoo la baray habka la dagaalanka kooxaha nabada kasoo hor-jeeda.

“Sababta la idiin soo xushay waa inaad dejisaan ammaanka Muqdisho, sidoo kalena aad soo celisaan sharaftii iyo magacii ay caasimaddu lahayd,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay askarta uu tababarka u soo xiray.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamadan lagu soo xulay markii hore shuruudo ay ka mid yihiin dabeecad-wanaagga, aqoonta iyo balwad la’aan; isagoo intaa raaciyay in Soomaaliya ay xilligan u jiheystay sidii dib logou dhisi lahaa dalka.

“Ninka ay shacabku ku kalsoonaan karaan waa midka qoriga u qaatay inuu iyaga difaaco; balse haddii uu dadka dhibaateeyo ama uu siyaarka iyo jaadka sii wato cunistooda kuma kalsoonaan karaan shacabka,” ayuu ku yiri madaxweynuhu ciidamadii uu la hadlaya.

Ciidamadan ayaa waxay ka howgeli doonaan guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo lagu arkayay isla maanta magaalada Muqdisho gaadiid ay ka buuxaan ciidammo oo isaga gooshayay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay sugto ammaanka caasimadda Soomaaliya si dadku ay u helaan ammaan ay meel walba ku mari karaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya