4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 8 , 2013
Somalia oo markii ugu horreysay ka Qaybgashay Tababarka Dublamaasiyiinta da'da yar ee Adduunka oo ka socda Turkiga (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 08, 2013 (HOL) — Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa markii ugu horreysay tababarka da’yarta dublamaasiyiinta adduunka oo ka furmay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxay si rasmi ah ugu dirsatay tababarkaas inuu uga qyabgalo Cabdulqaadir Maxamed Xuseen (Barqadle) oo ah xogheynta guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya..

Tababarkani oo sanadle ah ayna soo qabanqaabisay akadeemiyadda dublamaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa ka qayb-galaya da’yar dublamaasiyiin ah oo kala matalaya 70 dal oo kala luqad, dhaqan iyo diinba ah.

Tababarkan ayaa wuxuu ka socdaa Dedeman Hotel isagoo billowday bilowgii bishan Abriil, waxaana la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo dhammaadka bishan iyadoo furitaankiisii lagu casuumay inay goob-joog ka noqdaan 70 safaaradood oo xarumo ku leh caasimadda Turkiga oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Macallimiinta bixinaya casharada ayaa bixinaya casharro la xiiira xirkiirka caalamiga ah iyo dhaqaalaha iyo siyaasadda, kuwaasoo loogu talo-galay in sare loogu qaado aqoonta ka qaybgalayaasha, loona suura-geliyo inay sameeyaan is-dhexgal iyo qeexid dhaqannada ay kala wataan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya