4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland oo sheegay in Madaxda Soomaaliya ay jabisay qodob ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Somalia


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Somaliland, ayaa maanta laga xusay lixda April oo ah maalintii lagu dhowaaqay Jabhaddii SNM ee dagaalka ba’an la gashay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

Xafladan lagu dabaaldegayo ayaa xalay iyo maantaba ka dhacday goobo kala duwan oo magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgashay aasaasayaashii SNM iyo garabyadii ay ka koobnayd, waxaanay halkaasi ka soo jeediyeen khudbado ay ku dhaliilayaan xukuumadda.

Wasiirkii hore Maaliyadda oo ka mid aha aasaasayaashii jabhaddii SNM Eng:Maxamed Xaaashi Cilmi ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay ka soo qaybgali wayday munaasibadan lagu xusayo ku dhawaaqii SNM, sidoo kale waxa uu dhaliilay wada hadalada u furmaya Somaliland iyo Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay jabisay qodob ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in labadda dhinac midkoodna aanu ku kicin wax wiiqaya wada hadalka u socda, waxaanay sameeyeen inay Maraykanka ka codsadaan in Maxamed Cali Samatar oo muwaadiniin dacweeyeen xasuuqna loo haysto ay madaxda soomaaliya tidhaa dambiile maaha, waxay ka hor imanaysaa heshiishkii labada dhinac ”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Maaliyadda, waxa kale uu sheegay in aan la aqbali karin in shakhsiyaad Somaliland ka soo jeedda ka mid noqdaan dhinacyada wada hadlaya.

Waxa kale oo uu dhaliil xoogan usoo jeediyey wasiiradda Somaliand oo uu sheegay inay sumcadii Somaliland iyo ta madaxweynahba baabi’inayaan, isla markaana madaxweynaha ka codsaday inuu wax ka qabto si aanay sumacadiisa iyo ta qaranka aanay xumeen.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee KULMIYE  Maxamed Kaahin oo ka mid ahaa afartii sarkaal ee ugu horeeyey ee ka goosta ciidamaddii Soomaaliya, ayaa sheegay inay jabhadii SNM ay ahayd jabhadihii Afrika ka dagaalamay tii ugu wanaagsanayd, isla markaana muddo kooban ku qabsata dhulkeedii oo ku guulaystay hadafkii ay u dagaalamaysay.

“Soomaaliya iyo Somalind waa dad Soomaaliyeed oo isku mid ah oo isku dhaqan iyo Diin ah, waxaase is dheer yihiin SNM, waayo SNM markii ay dalka xoraysay waxay isku keentay beelihii oo dhan, waxanay dhexdoodii ka abuurtay dib u heshiisin ka dibna waxay dawladdii ku wareejiyey shacabkeedii, halka ay Soomaaliya wali qasan tahay”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin, waxaanu intaas ku daray “ waxaan ku jiray afartii sarkaal ee ugu horeeyey ee Itoobiya ka abaabulo jabhaddii SNM, aniga ayaa ka nool afartii sarkaal, waxaana muddo dheer ahaa mucaarad ilaa hadda xil ma hayo oo xukumadda dibadda ayaan ka joogaa, laakiin qaabka ay xukuumaddu wax u waddo waa qaab wanaagsan oo aan mucaarad u baahnayn”.

Sidoo kale, waxa uu ka difaacay eeddo xukuumadda loo soo jeedinayey, waxaanu xusay in shirweynaha qaran ee madaxweynuhu ku baaqay in laga yeesho wada hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland yahay mid loo baahan yahay oo cid walba aragtideeda la qiimaynayo, halka uu dhaliilo usoo jeediyey Ra’sal wasaaraha Sooomaaliya oo uu sheegay inuu dadka xasuusinayo dhibaataddii uu Siyaad Bare dadka u gaystay.

Si kastaba ha ahaatee, lixda April ayaa sanad kasta si weyn loo xusaa Somaliland, waxaana halkaasi lagu soo bandhiga guulihii ay SNM ka gaadhay dagaaladii ay kula jirtay Xukuumaddii wakhtigaasi ee Siyaad Bare iyo nidaamka ay ka dhalisay Somalliland.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno badan oo iskugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ka waramay doorkii ay ku lahayd Somaliland iyo qaabkii ay wakhtigii ay dagaleen xilka iskaga wareejiyey, iyagoo tilmaamay inay inta badan jabhaduhu aanay xukunka si dhibyar ku wareejin.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online .
[email protected]
Hargeysa, Somaliland