3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 6 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in la fulinayo qodobbadii kasoo baxay shirkii dib u habeynta Garsoorka Dalka


Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ay yihiin loo fulin doono qodobbadii kasoo baxay shirkii dib u habenta garsoorka dalka oo Jimcihii shalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qodobbada kasoo baxay shirkan ay yihiin kuwo wax weyn ka tari kara garsoorka dalka, isagoo xusay inay ka go’an tahay dowladda in la helo garsoor cadaalad ah oo ay dadku ku kalsoonaan karaan.

“Waxaan ballan-qqaadayaa wax walba oo aan tari karno inaan sameyno si aan qodobbada kasoo baxay shirka ee quseeya cadaaladda ay u dhaqageli lahaayeen; wixii duruufaha jira ay noo saamixi waayaan waan isla joognaa waana la socon doontaa. Waxaan rajeynayaa in shir kale aan qabanno, si la isku weydiiyo wixii ka qabsoomay qodobbadan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ergadii ka qaybgalaysay shirkan oo socday shan maalmood.

Madaxwehynuhu wuxuu xusay in dowladdiisa ay doonayso in dadka oo dhan ay helaan cadaalad dhab ah, isagoo sheegay inaysan ogolaan doonin in qof uu ka dhex faa’iideysto dowladda iyo shacabka dhexdooda oo uu halkaas ka helo lacago uu daaro ku dhisto.

“Kan doonaya in dhibaatooyinka lagu jiro uu ka faa’iideysto oo uu guryo ka dhisto ma ogolaanayno.  Waxaan doonaynaa in dadkan Soomaaliyeed ay helaan cadaalad iyo garsoore wanaagsan,” ayuu si kulul u yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo intaas raaciyay inaysan ogolaan doonin in garsoorka sidii la doono laga yeelo.

Dhanka kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay inay qodobbadan dhaqangalayaan marka la marsiiyo baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay in muddadii shanta casho ahayd ee kulankan loo fadhiyay ay ergooyinku fikarado badan is-dhaafsadeen.

Shirweynihii shalay lasoo gabgabeeya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto dalka, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegeen in garsoorku yahay midka darajada koowaad uga jira howlahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya













Click here
4/6/2013 12:58 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Waxaa faraha ka baxay amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka, iyadoo lagu arkayo xilliga salaadda maqribka iyo salaadda cishaha in waddooyinka qaar sida waddada Masaajidka shariif gacamey iyo waddada aadda xaafada Mursal ay isbaaro u taallo qaar ka mid ah ciidamada xooga dalka.

4/6/2013 12:25 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay maanta oo Sabti ah magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway.

4/6/2013 12:18 PM EST
Marxuum Ibraahim Cilmi Bullaale oo loo yaqaanay Ibraahim Xisbiyow ayaa maalintii jimcihi ee bishan April 5, 2013 lagu aasay magaalada Stockholm ee dalka Sweden

4/6/2013 12:01 PM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) —Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan howlaha xukuumadda, waxaana kulankii ay xildhibaannadu maanta yeesheen looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin la-xisaabtanka xukuumadda iyo wadashaaqeynta kala dhexeysa baarlamaanka.

4/6/2013 11:32 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Hal askari ayaa dhintay, afar kale oo laba ka mid ah ay yihiin askartii dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

4/6/2013 11:23 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo iskaashanaya ayaa maanta la wareegay deegaanno cusub oo ka tisran gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay in lagu adkeynayo ammaanka goobo ay horay u qabsadeen.

4/6/2013 11:00 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dunida oo dhan waxaa laga xusay maalinta Miinada Adduunka , waxaana xus ku saabsan maalinkaas qabtay hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN oo gacan ka helaysay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNICEF, iyadoo uga qayb-gashay xuska sannadkan tartan isboorti oo uu qaban-qaabadiisa uu lahaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta. Waxaana mushruucan loogu magac-daray ‘Waxbarashada Khatarta Miinada’.

4/6/2013 10:41 AM EST
Sabti, April 06, 2013(HOL) :- Waxaa maanta garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ka dhoofay ku dhawaad ilaa 43 Xildhibaan oo kamid ahayd xildhibaanadii dowladda federaalka ee dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

4/6/2013 10:36 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Somaliland, ayaa maanta laga xusay lixda April oo ah maalintii lagu dhowaaqay Jabhaddii SNM ee dagaalka ba’an la gashay xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.

4/6/2013 10:31 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Baqdin iyo wal-wal xoog leh ayaa la soo darrsay xilligan dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo ka cabsi qaba fatahaad uu mar kale sameeyo wabigga Shabeelle, kadib roobab xoog leh oo saacadihii aynu soo dhaafnay ka da’ay magaalada Baladweyne.

4/6/2013 1:34 AM EST
Sabti, Abriil 06, 2013 (HOL) — Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin cusub oo ay uga digayso muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho oo ay sheegtay inay ka dhici karaan falal aragagaxiso oo ay ka mid yihiin qaraxyo.