3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Dowladda Somalia oo soo Bandhigtay Qorshe cusub oo dib loogu Habayenayo Maamulka Miisaaniyadda soo gasha Dalka

Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo dib loogu habeynayo nidaamka maareynta dhaqaalaha dalka, taasoo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya ay ku howlanayd in muddo ah.

Qorshahan ayaa ah mid quseeya nidaamka ama habka loo maamulayo Miisaaniyadda Dowladda ayadoo diyaarintiisana ay qaadatay mudo bilooyin ah waxaana shirkan ay Wasaaraddu ku qabatay magaalada Muqdisho kalasoo qeybgalay Safiirro iyo khuburro ka socotay beesha Caalamka.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan lagu faaqiday waxaa ka mid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo dayaca ka jiray qarashaadka ka baxa dowladda sida dhaqaallaha ku baxa goobaha aan habooneyn iyo sidii qaladaadkaasi loo sixi lahaa ayadoo muhiimadana ay tahay in sanadaha soo socda nidaam fadhiya oo toosan loo helo maareynta dhaqaalaha dalka ayadoo la buuxinayo dhammaanba goobihii ay dul duleeladu ka jireen.

Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay in muhiimadda qorshahan uu yahay sidii sannadaha soo socda loo heli lahaa nidaam hagaagsan oo lagu maareynayo dhaqaalaha dalka; iyadoo la saxayo qaladaadka jira, taasoo uu sheegay inay fursad u siin doonto shacabka inay si toos ah ula xisaabtamaan dowladda.

Shirkan oo socday saddex saacadood oo xiriir ah ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba; maadaama muddadii uu socday laga dooday qodobbo dhowr ah oo dhammaantood quseeya sidii dib loogu hagaajin lahaa habka loo maamulo hantida dowladda soo gasha iyo tan ka baxda. Waxaana wasiirku uu xusay in muhiimadda ay dowladda u leedahay hagaajinta nidaamka dhaqaalaha uu yahay qayb ka yahay lixda tiir ee eay ku shaqeynayso.

“Dib u habeyntani waxay muujinaysaa ama fududeyneysaa in dhammaan la xayiro kharashaadka sida aan habbooneyn ku baxa; in lahirgeliyo howlaha kale ee dowladda looga fadhiyo inay wax ka qabato sida: ammaanka, waxay kaloo noo suuro-gelinaysaa inaan aaminaad ama kalsooni ka helno beesha caalamka iyo inaan kula macaamilno Bankiga Adduunka iyo sidoo kale IMF oo ah hay’adda lacagta adduunka,” ayuu yiri wasiirka maalliyadda iyo qorsheynta.

Haddaba qorshaha ay wasaaraddu soo diyaarisay ayaa qodobbada ugu muhiimsan waxay kala yihiin:

  1. Si afartanka sano ee soo socota shacabka loogu soo bandhigi lahaa nidaamka dhaqaalaha dalka.
  2. In la xayiro ama la adkeeyo dhaqaalaha sida fudud uga baxa dowladda gudaha iyo dibaddaba.
  3. In dhaqaalaha baxaya ay ka muuqato muhiimadda meelaha la doonayo in lagu bixiyo ama lagu kharashgareeyo.

Ugu dambeyn, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta, wuxuu sheegay in tani ay ka duwan tahay tii hore dowladduna ay qorshe la timid, qorshahaasna ay  hirgelintiisa dowladdda oo dhan isku raacsan tahay, isagoo rajo ka muujiyay in qorshahaas uu u hirgalo sida loo dajiyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/5/2013 1:53 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidammo booliis ah oo tiradoodu tahay 206, kuwaasoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanahay xarunta tababarka ee ciidamada booliiska Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane.

4/5/2013 1:16 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Koronroge oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay.

4/5/2013 12:37 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe maanta oo Jimco ah ayaa lasoo gabagabeeyay shirkii looga tashanayay dib u habeynta garsoorka dalka, kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

4/5/2013 11:56 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka Gabiley ayaa magaaladda Arabsiyo ku casuumay dhigoodda kale ee golaha deegaanka Boorame, kuwaas oo Qaddo sharaf loogu sameeyey mid ka mid ah beeraha ay caanka ku tahay magaaladdaasi oo uu leeyahay wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur.

4/5/2013 9:25 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Cumar Xamaami oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab loogana yaqaan Soomaaliya, Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa shaaciyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Mareynka, uuna beegsan doono danaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

4/5/2013 9:04 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay wada-shaqaynta ururrada wadaniga ah (NGO-yada), kuwa caalamiga ah iyo wasaaradda qorshaynta Somaliland iyo shuruucda u yaalla ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraddu ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

4/5/2013 8:23 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) —Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa Maalinta miinada awgeed oo ku beegan 4 April 2013.

4/5/2013 8:16 AM EST
Jimco, April 05, 2013—Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo uu wehliyo xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa caawa kulan aad xasaasi u ahaa, loogana hadlayey horumarka sport ga Soomaaliyeed magaalada London kula qaatay tiro ka mid ah bahwaynta sport ga ee UK.

4/5/2013 8:10 AM EST
Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen kadib markii bam gacmeed lala beegsaday meel dukaan ah oo ay dad wax ka iibsanayeen.

4/5/2013 7:25 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .

4/5/2013 6:54 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliso Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta waxaa qado sharaf u sameeyay Ra'iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.