4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Wasiir-ku-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta & Adeegga Bulshada Dowladda Somalia oo la Kulmay Bahda Isboortiga UK


Jimco, April 05, 2013—Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo uu wehliyo xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa caawa kulan aad xasaasi u ahaa, loogana hadlayey horumarka sport ga Soomaaliyeed magaalada London kula qaatay tiro ka mid ah bahwaynta sport ga ee UK.

 

Kulankan oo ay ulajeedadiisu ahayd in looga hadlo qaabka ugu wanaagsan oo ay bahwaynta sport ga ee dalkan UK uga qaybqaadan karaan dadaalka ay wasaaradda HAB ugu jirto dib usoo noolaynta iyo dib u qaabaynta sharuucda sport ga dalka ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxdii hore cayaaraha dalka, cayaartoydii hore, madaxda iyo wakiilada xiriirada kuwooda ku sugan magaaladan, ururada ka shaqeeya horumarka sport ga ee dalkan UK iyo warfidiyeeno ka kala socday hay’adaha warfaafinta kuwaasoo dhamaantood xiiso u qabay warbixinada ay wasiir ku-xigeenka iyo xoghayuhu soo jeedin doonaan.

 

Isbarasho iyo ismarxabayn ka dib ayaa waxaa ugu horeyn hadalo guubaabo ah halkaasi ka soo jeediyey Yaasiin Bulsho oo ka mid ah odayaasha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London kaasoo asagu u rajeeyey bahda sport ga UK in ay noqdaan kuwa kulankan ka faaiidaysta isla markaana iska daaya xaasidnimada iyo eedaymaha aan micnaha badan ku dhisnayn.

 


Xoghayaha GOS mudane Duraan Axmed Faarax oo hadalkii qaatay ayaa ugu horeyntii xasuusiyey dadkii kulanka joogay taariikhda aan wanaagsanayn ee ay maalintani u leedahay bahwaynta sport ga Soomaaliyeed maadaama ay ku aadanayd maalintii ay dadkii qiimaha badan ku lahaa bahdan ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay magaalada Mogadishu wuxuuna ilaahay uga baryey in uu janadii ka waraabiyo guddoomiyihii hore Aaden xaaji Yabarow (Wiish), guddoomiyihii XSKC Siciid Maxamuud Nuur (Muganbe) iyo garsoore Mawliid Macaane.

 

Xoghayaha GOS oo tacsidaasi ka dib ka hadlay qodobadii uu kulankani diiradda saarayey ayaa aad ugu dheeraaday xiriirka GOS kala dhexeeya hay’adaha kale ee sport ga dalka sida xiriirada iyo wasaaradda HAB oo uu sport gu ka yahay qayb ka mid ah iyo doorka ay dadka qurbajoogta ahi ka qaadan karaan horumarinta sport ga dalka ayaa waxaana uu sheegay in uu aad u jeclaan lahaa in dadka ka tirsan bahdan reer UK ee kulankan ka maqan ay goobjoog ahaadaan si looga doodo isla markaana la isku waydaarsado fikradaha kala duwan ee la kala qabo.

 

Xoghayaha GOS ayaa sheegay in aysan cidna shaki uga jirin xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya GOS iyo wasaaradda uu wasiir ku-xigeenka ka yahay garsoorihii hore Gen Bashiir Maxamed Jaamac wuxuuna sheegay in wasaaraddu tahay hay’adda ugu saraysa sport ga dalka isla markaana aysan dhibaato imaanayn haddii aqoon loo leeyahay shaqooyinka la kala leeyahay.

 

Duraan oo ka hadlayey qurbajoogta ayaa sheegay in bahda sport ga Soomaaliyeed ee dibadda ku dhaqan ay ka fursado wanaagsan yihiin kuwa gudaha dalka jooga isla markaana lagu tuhmayo in ay wax badan kororsadeen ayna dib ugu celin doonaan dalka waxaase uu ayaandaro ku tilmaamay in ay wali aad u yar tahay wax la taaban karo oo ay dadka qurbaha jooga ka qabteen gudaha dalka taasina ay ceeb ku tahay.

 


Xoghayaha GOS ayaa warbixintiisii ka dib waxa uu ku wareejiyey wasiir ku xigeenka HAB Bashiir Maxamed Jaamac kaasoo mahadcelin, kaftan iyo marxabayn ka dib tacsi u diray dhamaan bahwaynta sport ga iyo kuwa soomaaliyeed taasoo ku aadanayd halyeeyadii bahdan ka baxay sanad ka hor iyo waliba guddoomiyihii naadigii Badda Ibraahim Xisbiyo oo dhawaantan dalka Sweden ku geeriyooday wuxuuna ilaahay uga baryey in uu janadii fardawsa ahayd dhamaantood ka waraabiyo asagoo tibaaxay in ay mudan yihiin in la xuso lana sheego waxqabadkii iyo dhabaradaygii ay soo mareen, wuxuu sidoo kale bahdan gaarsiiyey salaamo uu ka siday madaxwaynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka, Raiisul wasaaraha iyo waliba wasiiradda HAB ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed.

 

Wasiir ku-xigeenka ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey wasaaradda uu xilka ka hayo iyo qaybaha kala gedisan ee hoos yimaada, mudada ay xilka hayeen iyo waxa ay qabteen oo isugu jira Caafimaad, waxbarasho, dhalinyaro, qoyska iyo haweenka iyo sport ga wuxuuna xasuusiyey in uusan sport ga oo kaliya wasiir ku-xigeen u ahayh balse uu qaybahaas oo idil xilka u hayo waxqabadkoodana laga sugayo. 

Intaasi ka dib ayuu Bashiir si aad ah ugu dheeraaday qorshaha wasaaraddiisa ee ku aadan sport ga dalka wuxuuna tusaale u soo qaatay mashruucyo dhawr ah oo dhamaantood lagu dhisay qorshooyinka hay’adaha nabadgelyada iyo ciidamada dalka kuwaasoo ay garwadeen ka ahaayeen qubaro Soomaaliyeed oo dhamaantood dibadda dalka laga wacay si ay uga qaybqaataan uuna filayo in mustaqbalka dhaw ay qaban doonaan kulan wayne looga hadli doono qorshaha dib u sharciyeynta iyo dib u dhiska sport ga dalka kuna martiqaadi doono dadkii aqoonta u lahaa sport ga.

 

Waxaa intaasi ka dib la guda galay qaybtii ugu xiisaha badnayd kulankan oo su’aalaha lagu waydiinayey  wasiir ku xigeenka iyo xoghayaha GOS, su’aalahaas oo dhamaantood ka turjumayey hanaanka wada shaqayneed ee hay’adahan, doorashadii GOS, qorshaha dawladda ee sport ga dalka iyo kaalinta qurbajoogta waxayna dhamaantood uga jawaabeen si qancisay bahdii kulankan goobjooga ka ahayd.

 


Wasiir ku xigeenka ayaa la filayaa  mudada uu joogo magaaladan London in uu kulamo kale la qaato tira kale oo ka mid ah bahda sport ga UK, ayadoo sidoo kale la filayo in uu warbixin middaasi la mid ah ka siiyo dadaalada ay wasaaraddiisu ugu jirto dib u dhiska sport ga dalka.