4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Qaramada midoobay oo Soomaaliya ugu baaqday inay xoojiso garsoorka xilli uu socdo shirkii dib u habaynta garsoorku




Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .

Haweenayda u qaabilsan xoghayaha guud ee qaramada midoobay dhanka tacadiyada galmada ee goobaha dagaallada, Zainab Hawa Bangura oo shir jaraa’id ku qabatay Nairobi ayaa ka codsatay  xukuumada Soomaaliya inay sidoo kale ilaaliso dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha ku yaal caasimadda Muqdisho.

“Waxay tahay muhiimadu in la helo garsoor ay shacabku kalsooni ku qabi karaan, kaasoo ay ogyihiin inay cadaalad ku helayaan” ayay tiri Zainab.

Haweenaydan oo dhawaan kasoo noqotay magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujisay shirka Muqdisho ka furmay ee looga hadlayo dib u habaynta garsoorka Soomaaliya.

Waxayna Muqdisho tagtay si ay xaqiiqo raadin ugu samayso, warar ay soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, taasoo sheegtay in tacadiyo culus oo uu kufsi iyo jirdil ay kamid yihiin in lagula kaco haweenka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Muqdisho, kuwaasoo ay u gaystaan ciidamada dawlada.

Waxaana warbixintaas aan beenin oo soo dhaweeyay dawlada Soomaaliya oo ciidamadeeda lagu eedayay inay si ula kac ah xadgudubyo ugu gaystaan dadka maatada ah ee dalka gudihiisa ku barakacay.

Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya