4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Qado sharaf loo sameeyey wafdiga Ra'iisal Wasaaraha iyo Marwo Caasha oo la kulantay haweenka Xildhibaanada ee Jabuuti (Sawirro)
SAM_1825 (2).jpg


Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay  weheliso Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta waxaa qado sharaf u sameeyay Ra'iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.

Casuumaadan qadada ah oo ka dhacday hotelka Kempinski ee dalka Jabuuti ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Gaashaandhiga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Cali Xagaa.

SAM_1840 (2).jpg

Dhanka kale, Marwada Ra'iisal Wasaaraha Marwo Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi ayaa kulan la qaadatay haweenka ku jira baarlamaanka dalka Jabuuti, waxayna kala hadashay sidii iskaashi dhow u dhex mari lahaa haweenka labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo jabuuti, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen arrimo khuseeya xaquuqda haweenka.

SAM_1818 (2).jpg
SAM_1856 (2).jpg
SAM_1890 (2).jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya