4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2013
Madaxweynaha Kenya oo kulan la qaatay danjiraha Soomaaliya (SAWIRRO)
DSC_2171.jpg


Khamiis, April 04, 2013 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Waxaana ay labada masuul kawada hadleen sidii loo sii ambaqaadi lahaa xiriirka labada wadan ee dariska ah.

Danjire Cali Ameeriko ayaa ku wareejiyay madaxweynaha dhambaal hambalyo ah oo uu kasiday madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan ka wada hadalnay sidii ay Soomaaliya iyo dawlada cusub ee Kenya u yeelan lahaayeen xiriir adag oo diblamaasiyadeed, maadaama ay Kenya tahay wadan muhiim ah oo aan daris nahay" ayuu yiri Cali Ameeriko.

DSC_2175.jpg

"Madaxweynaha waxaan dhambaal hambalyo ah uga siday shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed, si diiran ayuuna nooga gudoomay" ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha cusub ee Kenya loo doortay ayaa xilka la wareegi doona 9 bishan April markaas oo loo samayn doono xaflad wayn oo la filayo inay kasoo qaybgalaan qaar kamid ah hogaamiyayaasha qaarada Afrika iyo kuwa gobolkaba.

Waana markii ugu horreysay oo uu kulan la qaato masuul ka socda dawlada Soomaaliya tan iyo markii xilka loo doortay 9 bishii March.

Dawlada Kenya ayaa ciidamo ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya gaar ahaana gobollada Jubooyinka, halkaas oo uu is afgaran waa ka dhex taaganyahay dawlada federaalka ah iyo maamulka KMG ah oo gacan saar laleh dawlada Kenya.

DSC_2176.jpg
_T3Q5095.jpg
_T3Q5110.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya