4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2013
Shirweynaha Dib u Habeynta Garsoorka oo Maalintii Afaraad Galay & Guddiyo Booqday Xabsiga Dhexe iyo Maxkamadaha (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Guddiyadii ay iska dhex-doorteen ergada ka qaybgalaysa Shirweynaha heer looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka ayaa maanta si saraaxad leh looga dooday talooyin ay aragti ahaan u soo jeediyeen guddiyadii afarta ahaa ee loo xil-saaray inay kasoo talabixiyaan arrimo la xiriira qawaaniinta iyo qaab dhismeedka garsoorka Soomaaliya kuwaasoo muddadii labada maalmood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen.

Xubno ka tirsan guddiyada matalaya ergada ayaa soo booqday maanta xabsiga dhexe ee Xamar; iyagoo warbixin ku saabsan xaaladda xabsiga iyo sida loola dhaqmo maxaabiista ka dhageystay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyo taliyaha xabsiga dhexe.

Sidoo kale, guddiyadu waxay kormeereen xarumaha ay ku shaqeeyaan maxkamadaha gobolka Banaadir, racfaanka iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo warbixino ku saabsan sida ay u shaqeeyaan ka dhageystay guddoomiyeyaasha maxkamadahaas.

Xubnaha guddiyada oo warbixin galabta siinayay ergada ayaa sheegay inay kusoo arkeen xafiisyada ay booqdeen ee maxkmadaha burbur xooggan oo soo gaaray qalabka ay ku shaqeynayaan isla markaana guddiga loo sheegay in qalabka qaarkiis uu yahay qalabkii lagu shaqeynayay 22-sano ka hor.

Gebagebada shirka oo ku beegan maalinta Jimcada ee berri oo ay taariikhdu ku began tahay 5-ta Abriil, 2013, ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay u dhan yihiin dhammaan ergada mataleysa ummadda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa shirweynaha Qaran ee dib u eegista garsoorka dalka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya