4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Dhallinyarro ka soo goosatay Al-shabaab oo lagu soo Bandhigay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobollka Hiiraan ayaa ku soo bandhigay maanta magaalada Baladweyne ilaa Afar dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen ka soo goosatay ama iska soo dhiibay kooxda Al-shabaab.

Taliyaha qeybta booliiska saldhiga magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta kula hadllay gudaha saldhiga booliiska oo lagu soo bandhiga dhalinyarrada ayaa sheegay in raggan ka tirsanaayeen  mudo dheer kooxda Al-shabaab, hasse ahaateen markii danbe goosteen in ay isaga soo baxaan.

''Dhallinyarada aad u jeedaan waxaa ay mudo dheer ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab, iskooda yeey u go'aasadeen in ay isaga soo baxaan Al-shabaab, iyaga oo isku soo dhiibay maamulka gobollka Hiiraan, kadib markii ay ka war helleen cafas horay maamulka gobollka ugu fidiyay dhalinyarrada ka tirsan kooxda,'' ayuu yiri Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Qaar ka mid ah dhalinyarrada isa soo dhiibtay oo ka kala yimid deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in mudo dheer ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, qaarkoodna waxaa ay sheegeen in ay ka qeyb-qaateen dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

''Waxaan ka soo goostay degmada Ceel-barde gobollka Bakool, in mudo ahna waxaa ka tirsanaa Al-shabaab, annaga ayaa go'aan ku gaaray in aan isaga tago kooxdaas, kadib markii aan ku qanci waayay falalka ay ku kacayaan,'' ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarrada la soo bandhigay.

Ma'aha markiii ugu horeysay oo maamulka gobollka Hiiraan sidan oo kale soo bandhigay dhalinyarro iska soo dhiibtay kooxda Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya