3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Ciidamada Puntand oo duleedka Degmada Boosaaso ku toogtay 13 ruux oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Boosaaso ku toogtay 13-qof o ay ku jirtay haweeney, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhamamadkii sannadkii 2011 loogu geystay Boosaaso, Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa culummada Puntland.

Dhallinyarada la toogtay ayaa qaarkood waxay maxkamadda ciidamadu ku ridday xukunno dil ah, iyadoo kuwa kalena al sheegay inaan wax xukunno ah lagu ridin, waxanaa goobta ay toogasho ka dhacday ku sugnaa saraakiil ka tisran kuwa ciidamada Puntland.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay goobta tagaan, waxaana ammaanka goobta sugayay ciidammo ka tirsan kuwa milateriga iyo kuwa badda Puntland, iyadoo toogashadu ay ku dhacday si saf-mar ah.

Dadka la toogtay ee lagu eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen kuwaas oo qirtay inay ka dambeeyeen dilkii Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan ayaa kala ahaa:

  1. Axmed Maxamed Cali oo 18-jir ahaa.
  2. Maxamed Abshir Cartan oo 20-jir ahaa.
  3. Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo 28-jir ahaa.
  4. Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane) oo 23-jir ahaa.
  5. Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf oo 25-jir ahayd.
  6. Maxamed Maxamuud Saacadoole oo aan da’diisa la sheegin.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Puntland, C/kariin Xasan Firdhiye oo ka hadlay dilka ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay goobta ay toogashadu ka dhacday, kaddib markii ay ku dhacday rasaas ka mid ah kuwii lagu dilayay 13-ka qof ee la sheegay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

Dad qariyay magacyadooda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan xalay lagala baxay xabsiga magaalada Boosaaso saakayna si saf-ballaaran ah loogu toogtay duleedka magaalada Boosaaso, waxaana uu dilkan noqonayaa kii ugu ugu horreeyay noociisa oo laga fuliyo Puntland.

Ma jiraan sawirro laga qaaday dadka la dilay, marka laga reebo sawirro laga qaaday dadka lagu helay inay dileen Dr. Sheekh Axmed C/raxmaan xilligii ay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada Puntland ay xukunka ku ridday 27-kii Feberaayo sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/30/2013 3:04 PM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa munaasabada maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May, 2013 oo berri ku aaddan wuxuu hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

4/30/2013 1:32 PM EST
Talaado, April 30, 2013(HOL)—Ururka Tamarta Bariga Afrika oo Kulliyaddii ugu ballaarneyd oo Injineernimo laga barto ka hirgelineysa Soomaaliya Kulliyado lagu barto cilmiga Injineeriyada.

4/30/2013 11:46 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Shir lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

4/30/2013 10:31 AM EST
Talaado, 29 April, 2013(HOL) :- Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan marayo wejigii labaad ee Dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa labo Bil,waana Masjid laga doonayo ilaa Labo Dabaq in laga dhigo,iyadoo Dabaqii kowaadna la sheegayo in uu marayo meel dhexe.

4/30/2013 9:21 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobollka Hiiraan ayaa ku soo bandhigay maanta magaalada Baladweyne ilaa Afar dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen ka soo goosatay ama iska soo dhiibay kooxda Al-shabaab.

4/30/2013 8:33 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada si gaar ah u tababaran iyo kuwa booliiska Soomaaliya ayaa maanta howgallo ka sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha booliiska ay sheegeen in lagu soo qabqabtay dad falal ammaan-darro kawaday Muqdisho.

4/30/2013 8:20 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas, isagoo uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen oo intooda badan ku saabsanaa xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabaha dowladda u qabsoomay.

4/30/2013 6:25 AM EST
Talaado, 30 April, 2013 (HOL) :- Dagaalyahanno kaitrsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar madaafiic ah kusoo qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

4/30/2013 1:55 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Macluushii Soomaaliya ku dhufatay 2011 ayaa la sheegay inay dishay 260,000 oo qof oo u badan caruur ay dad’oodu ka hoosayso shan sano, waxaana sidoo kale dadka ay dishay macluushaas u badan haween.

4/30/2013 12:57 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ciidammo soo dhameytay tababar kusoo bandhigtay deegaanka Ambareesa ee gobolka Shabeellada, hoose; waxaana ciidamadaas oo dhoola-tus dhigay ay wateen gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan.

4/30/2013 12:25 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Isniintii shalay ahayd dhiggiisa iyo sidoo kale madaxweynaha Turkiga, iyadoo guddoomiyuhu uu booqday goobo ku yaalla magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.