Macluushii ka dillaacday Soomaaliya sannadkii 2011-kii oo la sheegay in ay dishay dad ka badan Rubac-Malyuun qof
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Macluushii Soomaaliya ku dhufatay 2011 ayaa la sheegay inay dishay 260,000 oo qof oo u badan caruur ay dad’oodu ka hoosayso shan sano, waxaana sidoo kale dadka ay dishay macluushaas u badan haween.
Warbixintan oo ay soo daabacday wakaaladda wararka Mareykanka ee AP ayaa lagu sheegay in hay’adaha gargaarka qaarkood ay rumeysan yihiin in tirada dhimashada ay intaan aad uga badan tahay.
Tirada faraha badan ee dhimasha ay sababtay macluusha ayaa lagu sheegay mid ku timid kaddib markii Al-shabaab ay diiday in hay’adaha gargaarka ay si dhaqaso ah raashin ula gaaraan deegaannada ay macluushu ku dhufatay.
“Dadka macluushan ay dishay waxay u badnaayeen haween iyo caruur ay ka yar tahay da’dooda shan sano, waxaana dadkaas ay intooda badan natooda ku waayeen deegaannadii ay macluushu ka dillaacday ee Koonfurta Somalia,” ayaa laga soo xigtay saraakiil ka tisran hay’adaha samafal.
Xukuumadda Britain ayaa intii ay macluushu jirtay sheegtay in tiro 50,000 qof illaa 100,000 oo qof ay dishay macluusha, iyadoo warbixinta ay aad uga badinayso tirada intaas, waxaana ay u muuqataa mid daba-gal ku sameysay tiradii ay Britain horay u soo saartay.
Wasiiradda wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa diidday inay jawaab ka bixiso ka hor inta ay ka xaqiijinayso tirada ay warbixintu ku sheegtay inay ku dhinteen macluushii ku dhufatay Soomaaliya sannadkii 2011.
Iyadoo la sheegay in kala bar dadka ay macluushu dishay ay ahaayeen caruur ay da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa waxaa wax laga weydiiyay arrintaas, Sikander Khan oo ah madaxa UNICEF ee Soomaaliya, isagoo isna sheegay inuu doonayo inuu arko warbixinta, kaddibna uu jawaab ka bixin doono.
Macluushii ka dillaacday Soomaaliya sannadkii 2011 ayaa lagu sheegay inay ahayd tii ugu xumayd ee dalka ka dilaacda muddo 60-sano ka badan, iyadoo macluushan ay inteeda badan ku dhufatay gobollada ay Al-shabaab xilligaas ka talinaysay iyo magaalada Muqdisho ee xatunta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya