4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Dowlad Dhisidda Soomaaliya uma baahna xilligan Qori iyo Colaad ee waxay u baahan…"

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo waxyar kahor intii uusan galabta ka dhoofin magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu kusoo gaarey Puntland.

Wuxuuna umahad celiyey madaxda iyo dadweynaha Puntland, kuwaasoo uu sheegay in ay si fiican usoo dhoweeyeen, isagoo xusay in ay suurtagal tahay in mustaqbalka dhow sidan oo kale uu dib safarro shaqo ugu soo gaaro Puntland.

Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday eedeyn kasoo yeertay dhinaca Puntland oo ku aadan wax-ka-beddel ay Puntland sheegtay in  lagu sameeyey dastuurka dalka  ee la ansixiyey bishii Agoosto ee sanadkii 2012.

Prof. Xasan ayaa sheegay in dastuurku markii la ansixinayeyba uu ahaa mid qabyo ah, laguna heshiiyey in waxyaabaha dhiman dib laga saxo, taasina ay tahay mid horay la isugu afgartay.

“Dastuurku howlo dheer ayuu soo maray in uu dhiman yahayna layslama diidaneyn, markii lawada ogolaanayeyba sidaas ayaa lagu ogolaaday dhameystirkiisana waan kawada shaqeyneynaa, tabashada Puntland-na waa laysla eegayaa” Madaxweynaha ayaa yiri.

Dhinaca maamul u sameynta gobollada - gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo- wuxuu mar uu madaxweynuhu ka hadlayey uu tilmaamay in dhismaha maamullada federaalku uu yahay mid dastuuri ah, dowladuna aysan kasoo horjeedin.

Midda keliya ee lagu kala argti duwan yahay ayuu sheegay inay tahay habka maamullada loo sameynayo, isagoo xusay in ay muhiim tahay in si fiican looga fiirsado, maadaama hadda uu dalku marxalad cusub galay, waxyaabo badanna ay tahay in laga gudbo.

Ugu danbeyntii wuux madaxweyne xasan sheegay in xaaladda dalku ay xilligan tahay mid xasiloon, sidaas darteed ay haboon taay in laga fogaado wax walba oo colaad iyo khilaaf horseedi kara.

Madaxweynaha oo taas ka hadlaya ayaa yiri: “Siyaasadda iyo dowlad dhisidda Soomaaliya wada-tashi iyo wada-xaajood iyo wada-hadal ayey ku imaaneysaaye qori iyo dagaal iyo colaad ku iman mayso”.

Madaxweyne ayaa galabta soo afmeeray booqasho muddo labo maalmood ah qaadatay, oo isaga iyo wefdi uu horkacayaa ay shalay kusoo gaareen magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya