4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gabgabeeyay socdaalkii uu Puntland ku tagay iyo shirarkii uu la lahaa Faroole (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta soo gabagabeeyay socdaal shaqo oo labo maalmood qaatay oo ay ku joogeen xarunta Puntland ee Garoowe, isagoo dib ugu soo laabtay gellinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha Puntland oo shir jaraa'id si wadajir ah ugu qabtay Garoowe ayaa sheegay in labada dhinac ay isku af-garteen sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiisyadii hore, isla markaana looga wada-shaqeyn lahaa wadahadallada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay xukuumadiisa iyo shacabka Puntland sidii diirranayd ee loosoo dhaweeyey, isagoo sheegay in Puntland ay kaalin muhiim ah ku lahayd soo af-jariddii xilligii KMG; loogana baahan yahay inay dhameystirka dastuurka iyo dib u soo celinta amaanka ay kala shaqeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxweynaha Puntland shirka London ee horraanta bisha soo socota la qabanayo, isagoo u sharraxay ujeeddooyinka laga leeyahay shirkaas oo sidii dowladda federaalka looga kaalmeyn lahaa qorshayaasheeda  ku aaddan xaqiijinta ammaanka, garsoorka iyo dib-u-hagaajinta dhaqaalaha dalka. 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirka London uu yahay mid taariikhi ah oo waxtar ballaaran u leh shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda, isagoo ka dalbaday Puntland inay talo ku yeelato shirkaas,  kalana shaqeyso dowladda federaalka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in socdaalkan shaqo ee madaxweynaha uu ku tagay Puntland uu daba-socda socdaalkii ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu uu ku tagay Puntland iyo qorshaha dowladda ee ku saabsan is-dhexgalka shacabka Soomaaliyeed.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya